|

Madax-dhaqameed Sheegay In Dawladdu Shidaal Ka Bilaabayso Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Boqor Raabbi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah madaxda  dhaqanka Somaliland, ayaa ka digay dhibaato uu sheegay inay ka iman karto shidaal ay wasaaradda macdanta Somaliland ay doonayso inay ka baadho deegaano ka tirsan gobolka Maroodijeex gaar ahaan koonfurta magaalada Hargeysa, sida uu isagu sheegay.

Boqor Raabbi ayaa waxa uu farriin u diray wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isagoo su’aal galiyay shidaal baadhistii ay horay wasaaraddu uga wadday gobollada Togdheer iyo Sool.

“Waxaad ogtihiin Sool in diyaaradihii iyo saanadii kale ee gaadiidka ahaa sida cagafyada oo kale dhibaatada dadka ay u gaysteen iyo siday dadku uga hor tageen oo ay u diideen markay arkeen dhibaatadeeda sida gobolka Togdheer oo kale dadweynihii markii loo sheegay dhibaatada ay leedahay hawshaas [shidaal baadhista] iyada ahi weliba dad badan ay magdhowgoodii ay heleen” ayuu yidhi Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi

Dhinaca kale, Boqorku waxa uu sheegay deegaanada Laga qodayo shidaalka oo ka tirsan degmooyinka Sabawanaag, Sallaxley, Oodwayne iyo Balligubadle in xilligan ay Abaari hayso isla markaana la doonayo in wakhtigan abaarta laga faa’idaysto.

“Laga soo bilaabo Oodwayne illaa Balligubadle  inta ka dhexle deegaanka ah oo aanay wax mucaawino ah aanay gaadhin dadkuna wax taakulo ah ku qabin wax daryeel ahna aanay ku qabin in dhulkoodii la sahansaday oo la doonayo in lagaga faa’idaysto dhibaatada jirta ee haysata maanta [Abaarta] aad baanan uga xunnahay” ayuu yidhi Boqor Raabbi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

Comments are closed