Madax-dhaqameed Ka Shidaal-qaata Puntland Oo Ka Hor-yimid Heshiiskii Midnimo Ee Somaliland Iyo Khaatumo
Garowe 27. October 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Dhulbahante oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa ka hadlay Heshiiskii Midnimo ee Toddobaadkii hore ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen Magaalada Caynaba.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sool iyo Buuhoodle oo ka mid ah Xubnaha ka Talo qaata Maamulka Puntland, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Garoowe, waxay ku sheegeen in Heshiiska Somaliland iy Khaatumo aanu ahayn wax Dhulbahante khuseeya, laakiin uu yahay wax u dhexeeya Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Heshiiska ay Caynaba ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh waa wax aan Sal iyo raad lahayn, namana Khuseeyo, Waayo? Cali Khaliif maanu dooran, noomana taliyo.”
Boqor Cabdillaahi Axmed Cali, ayaa isaguna yidhi “Heshiiska Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh ay Caynaba ku kala saxeexdeen, maaha wax noo tirsan. Maalintii uu Wada-hadallada bilaabay illaa Maanta waxaanu lanahayn waxba kama jiraan Wada-hadalladaasi, markaa arrintaa Caynaba lagu kala saxeexdeen wax Dhulbahante khuseeya maaha..”
Garaad Saleebaan Iyo Boqor Cabdillaahi Axmed Cali, ayaa ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sool iyo Buuhoodle ee ka shidaal qaata Maamul-gobolleedka Puntland, oo dabcan ka soo horjeeda in Dadka reer Somaliland ee Gobollada barigu nabad kula noolaadaan Walaalahooda kale ee Somaliland.
Puntland ayaa Geed-dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii ay hayb ahaan ula wareegi lahayn deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Somaliland, iyadoo ku xisaabtamaysa in Dadka deggan ay isku Hayb yihiin, isla-markaana indhaha ka lalinaysa Xuduudka Somaliland oo Garoowe u Muuqda. Odayaashana waxay ka mid yihiin Ashkhaasta uu Maamulkaasi u adeegsado inay Ummadda Sool iyo Buuhoodle kala qaybiyaan, si aanay meesha uga bixin Dad taageersan Maamulkaasi.