|

Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Ka Tirsan Degmada Axmed Dhagax Oo Tageero U Muujiyay Madaxweyne Siilanyo Iyo Xildhibaan Nac-Nac Oo Ka Hadlay {DHAGAYSO}

nacHargaysa:02,June,2014(SDN/QJ)-Qaar ka tirsan wax-garadka,dhalinyarada iyo Aqoonyahaynka  Degmadda Axmed Dhagax oo ay wehelinyaan Siyaasiyiinta Beesha ee  Golahayaasha Dawladda ugu jira ayaa Kulan ay Maanta ku qabteen Magaaladda Hargaysa waxay Sheegeen iany Si Buuxda u taageersanyihiin  Musharaxnimada Madxaweyne Siilaanyo ee 5-ta Sanno ee Soo Socoto.waxaana ay dhinaca kale u soo jeediyeen in si wadajir ah loo wada ilaashado Amaanka iyo Xasiloonida ay dadka reer Somaliland ay ku soo caano Maaleen.

Dhamaan waxgardkii Madasha ka hadlay ayaa si weyn u muujiyay  Muhiimadda ay leedahay Dhawrida Nabad galyada ay Somaliland Maanta Ku Naaloonayso,iyaga oo Tilmaamay in laga soo Gudbay Wakhtigii Qiriga iyo Hubka laysku Muquunin jiray haatana la maro in Qofku uu Codkiisa wax ku soo goosto.

Waxay tilmaameen inay si weyn u soo jiitay Waxqabdka laxaadka leh  ee Madaxweyne Siilanyo Dalka ka sameeyay Mudadii Xilka Qaranka Gadhwadeenka ka ahaa.waxaana ya inataas raaciyeen in wax kasta oo soo kala dhexmaray Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Beesha Degta Degmada Axmed Dhagax,gaar ahaana Xilkii Doorashada Golaha Deegeenka.

Waxa isna Goobta ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac,oo ka tirsan Xildhinaabada Golaha Wakilada Somaliland,oo sheegay in Muuhiimadda Munaasibadan layskugu yimid aanay ahayn in cid gaar ah lagu weeraro,balse ay Muujinayaan Taageerada iyo Cududa ay la bar bartaaganyhiin Madaxweyne Siilanyo iyo Xukuumadiisa,isaga oo dhinaca kalena u soo jeediyay in meel looga soo wada jeedo waxkasta oo dhaawacaya Nabada Dalka.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XILDHIBAAN NACNAC
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Nacnac02J.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa

Daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed