Madaweynaha Nigeria oo ka Dalbaday Baarlamanka Muddo-kordhinta Fasax Caafimaad oo ka dhammaaday
London 08. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo dalka Britain u jooga Safar caafimaad, ayaa Baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan wakhtiga fasixiisa oo Isniintii ku dhammaaday, ka dib markii ay Dhakhaatiirtu u sheegeen in loo baahan yahay inuu sugo natiijooyinka baadhitaankiisa Caafimaad.
Madaxweyne Buhari, ayaa dalka Nigeria ka tegay laba toddobaad ka hor, waxaana lagu waday inuu Isniintii dib ugu laabto dalkiisa.
War qoraal ah oo uu shalay soo saaray ayuu ku sheegay in Dhakhaatiirta ay kula teliyeen inuu sugo natiijooyinka baadhitaanno caafimaad oo lagu sameeyay.
Kaaliyaha Madaxweynaha Garba Shehu, ayaa sheegay in aan Madaxweynaha la jiifinnin ama la dhigin Cusbitaalka, xaaladdiisa caafimaadna aanay ahayn mid culus ama daran. Mr Shehu, oo Wareysi siiyay BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo xanuunka Madaxweynaha haya.
Dadka ka faalooda arrimaha Nigeria, ayaa sheegaya in maqanaashaha Madaxweyne Buhari ay wax u dhimi karto kalsoonida lagu qabo Maamulkiisa oo waajahaya cadaadis la xidhiidha dhaqaalaha sii liicaya iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Boko Xaraam ee dagaalka kula jirta dawladda iageria.
Waa markii labaad ee uu Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari gargaar caafimaad dibedda dalkiisa u raadsado muddo ka yar sannad. Waxaanu hadda Baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan muddada Fasaxa Caafimaad ee Shalay kaga dhammaatay, taasoo la filayo in Baarlamaankuna u kordhiyo wakhtiga uu maqnaanayo.