Madashii Shalay ee Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo iyo Kala Duwanaanshaha Markii Xasan Sheekh Xilka Kala Wareegay Sheekh Shariif DAAWO
Muqdisho 17. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Cusub ee Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah Shalay Xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh, Waxaa Xusid Mudan in Madashii Caleemo Saarkiisa aanay ka soo qayb galin haba yaraatee Mas’uuliyiin ka socda Dawladaha Gobolka ee Somalia la deriska ah iyo Saraakiisha Qaramadda Midoobay toona halka taas badalkeeda Markii Xasan Sheekh Xilka Kala wareegay Sheekh Shariif Sh.Axmed ay ka soo qayb galeen Raysal wasaarayaal ka Tirsan dalalka Geeska Africa oo uu ka mid ahaa Raysal Wasaarihii Geeriyooday ee Itoobiya Males Sanaawi,Kii Jabuuti Dilayte Maxamed Dilayte,Urur Goboleedka Igad,Madax Sare oo ka socota Qaramadda Midoobay.