“Madasha Yimi ee Magaca Somaliland Maamuusayow Xilkii Muujisoo Waad Mahadsantihiin” Heesta Maamuus Iyo Hobolada Qaranka DAAWO
Hargaysa 22.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Heesta Maamuus oo uu Curiyey Abwaanka Weyn ee Saxardiid Jebiye oo Tan iyo 1960 kii ka mid ahaa Miidha Hal abuurada ee Somaliland.
Waa Heestii Maamuus ee Xuska 18 May Waxaa Tuducyadeeda ka mid ah Ummad Horumartoo Murti Gaaxatiyo, Caqli Maasha oo Meerisaanu Nahay, Dadkan Madasha Yimi ee Magaca Somaliland Maamuusayow Xilkii Muujisoo Waad Mahadsantihiin,Ummad Horumartoo Waxay Maagan tahay Aan Lamildhaabinoo Mahadisaanu Nahay.