|

Madasha Maamulka Internetka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho November 30, 2024(QJ) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha Maamulka Internetka Soomaaliyeed oo ah madal muhiim ah oo looga hadlayo doorka Internetka uu ku leeyahay horumarka Soomaaliya.

Ujeedada madashan ayaa ah in ay noqoto meel lagu wadaago fikradaha, talooyinka, iyo xalalka wax ku oolka ah ee la xiriira maamulka internetka.

Mudane Saalax Jaamac ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiso nidaam wax ku ool ah oo loo maareeyo internetka, kaasoo horseedi kara horumar la taaban karo oo laga gaaro dhinacyada kala duwan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda madashan ay u leedahay shacabka Soomaaliyeed oo in badan oo kamid ah ay ku tiirsan yihiin adeegyada internetka ee dhinacyada kala duwan ee noloshooda bulshada iyo dhaqaalaha.

Comments are closed