Madasha Heritage oo ka furantay Jabuuti
Jabuuti November 26, 2024(QJ) – Waxgarad, siyaasiyiin, iyo madax dhaqameed Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa maanta oo Isniin ah isugu yimid magaalada Jabuuti madal saddex maalmood soconeysa oo diiradda lagu saarayay xoojinta xasilloonida gobolka.
Madashan oo sanadkiiba mar la qabto oo gashay sanadkii 8-aad ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho. Mursal Saney oo ah agaasimaha guud ee Machadka ayaa sheegay in madashan ay fursad u siineyso dadka Soomaaliyeed ee ka kala yimid gobolada dalka in ay ka doodaan arrimahooda.
Madasha sanadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii dekedaha ay bishii Janaayo ku kala saxiixdeen Addis Ababa iyo Somaliland oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya. Muqdisho waxay Somaliland u aragtaa qayb ka mid ah Soomaaliya.
Heshiiskan oo weli ah heshiis is afgarad ah, ayaa dawladda Itoobiya ee aan badda lahayn u oggolaaday in 50 sanno laga kireeyo dekedaha Badda Cas ee Somaliland, si ay u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Heshiiskan ayaa ka careysiisay Muqdisho oo u aragta mid lagu weerarayo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in aanay ku xad-gudbin madax-banaanida Soomaaliya.
Moumin Hassan Barre, Wasiirka Cadaaladda iyo Diinta ee Jabuuti, ayaa sheegay in khubarada ka soo qeyb galaysa madashan looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan wanaagga gobolka.
Soomaalida ku nool Geeska Afrika ayaa ka qeyb galaya xaflada, iyadoo ay wehliyaan qurbo joog ka kala timid Mareykanka, Yurub, iyo meelo kale.