|

Madaafiic xalay lagu weeraray Degmada Huliwaa ee Gobolka Banaadir

madaafiicMugdisho : 27-july- 2013 –(SDN) Waxa Habeenkii xalay ahaa Mafaaciic kala duwan lagu weeraray qaybo ka tirsan Degmada Huliwaa oo ay Xarumo ku leeyihiin Ciidamada Dawladu.

 

Goobjoogayaal kusugan Degmdaasi  ayaaa sheegay in Madaafiicda ay bar barsocdeen weerar fool ka fool ah oo ay rag hubaysani ku soo qaadeen Fadhiisin ciidan oo ka ag dhaw isgoyska SOS ee degmadaasi.

 

Dagaalkan lagu qaaday ciidadamada fadhiisinka ku lahaa warshadii hore ee barafuunka ayaan la ogayn qasaaraha ka dhashay inta uu le’egyahay, waxase la xaqiijiyey inuu dagaalka Goobta ka socday muddo kooban.

 

Saaka ayaa ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo is-huwani ay ka wadaan Xaafadahaasi Howlgal Balaadhan oo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan goobaha laga soo weeraray, iyadoo sidoo kale ay Baadhitaano xoog leh ku hayaan xaafadaha kala duwan ee Degmadaas.

Dagaalkan xalay ayaa qayb ka ah Dagaalo Goosgoos ah oo mararka qaar ka dhaca Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ay xukuumadda Federaalka ahi xisilintiisa si aad ah ugu hawllan tahay.

Wixii  warar ah eek a soo kordha Dagaalka xalay ka dhacay Degmada Huriwaa, waxanu idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe.

Somalidiasporanews.com

Mugdisho Office.

 

Comments are closed