Madaafiic Khasaare Geysatay Oo Xalay Lagu Weeraray Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho:24-Jan-2014(SDN)- Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ayaa Xalay lagu weeraray Madaafiic geysatay Khasaare Nafeed iyo mid maalba.
Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku habsatay Aqal ay deggenaayeen dad rayid ahi, waxana la xaqiijiyey dhimasho iyo dhaawac halkaas ka dhacay.
In ka badan laba qof ayaa lagu warramay tirada wax gaadhay xalay waxaana dhacdadani ay timid kadib markii madfac habow ah oo loo waday garoonka diyaaradaha uu ku dhacay guri ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada iyo dowladda Soomaaliya weli kama aanay hadlin duqeyntani xalay lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa dadka reer Muqdisho ay ku salaleen dhawaqa madaafiic ku sii dhacaysay xagga garoonka diyaaradaha.
Kooxaha islaamiyiinta ah ee Alshabaab, ayaa Habeenadii ugu dambeeyey dardar geliyey Weerarrada ay ku hayaan Goobaha muhiimka ah ee ku yaalla Magaalooyinka ay dawladdu gacanta ku hayso, waxana habeen hore ay sidan oo kale madaafiic ula eegteen Garoonka Magaalada Kismaayo iyo aqalka martida la dejiyo oo xilligaas ay Marti badani ku sugnayd.
S.D.N