|

Macluumaad Ku Saabsan Wareejinta Dekeda Berbera Talaabada Ku Xigta Dekeda Casab ee Eretria DAAWO

Hargeysa 08.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wareejinta Dekedda Berbera ayaa ahayd Mawduuc Saamayn ku dhex lahaa Bulshada Somaliland.

Waxay ahayd arrin ay Axsaabta Siyaasadda iyo Qaybaha Mujtamacu ay ka soo Horjeedeen iyagoo u Sibir saarayay inay amuurtani Meesha ka saari doonto Lahaanshiyihii dawlada dhexe,Sidoo kalena ay Qadiyadani Muujinayso Sida ay Xukuumadda talada haysaa u dhaxal wareejinayso Goobihii Danta Guud.

Xog hor leh ayaa ka soo baxaya damaca Xukuumadda ee Wareejinta Dekedda Berbera, arrintan ayaa waxaa barbar taala Dekeda Casab ee Eretria Oo Soddon Sano Laga Kireeyey Ciidammada Isbahaysiga Ee Khaliijka Oo Ay Hoggaaminayaan Dawladaha Imaaraatka (UAE) Iyo Sucuudiga halka Wejigii Kowaad (Face One) Lala wareegayo Dekedda Casab Iyo Wejiga labaad (Face Two) oo loo qorsheeyayin Si buuxda Gacanta loogu dhigo Dekeda Berbera,maadama ay ku taalo Marin Istiraatiji ah .

Comments are closed