|

Machadka Bhopal:Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa ardey Fiican

Bhopal Sept 17,2012(SDN)-Mid ka mida macalimiintii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud xili uu dhiganayay Jaamacad ku taal dalka Hindiya oo uu ka bartay culuunta Waxbarashada ayaa ka warbixiyay nooca ardey ee uu ahaa.

Macalimiintii xilgaa ayaa intooda badan haatan hawlgab ah,halka xogta taala bartooda Internetka ayaan sugneyn oo waxa ku jira sawirka haatan ee madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa jaamacada ku jiray sanadihii u dhexeeyay 1986-1988.

“Ma sheegan karo in heerka uu maanta gaadhay aanu inagu gaadhsiinay,balse waxa uu ahaa ardey wanaagsan oo dad la macaamil leh”,sidaa waxa yiri N S Kapruan oo ka mida macaliimtii xiligaa oo haatan 78 jir.

N S Kapruan ayaa ka sheekeeyay sida uu u xusuusto xiligii uu Xasan Sheekh qalin jebinayay oo aanu ka soo xaadirin sawirkii qalin jibenta.

“Xiligaa 88kii waan xusuustaa oo waxaan ururinayay waraaqahii imtixaanka iyo qalin jibenta”ayuu yiri mar kale

Soomaaliya xiligaa qudheeda xaalad adag ayay ku jirtay oo shahaadooyinka loo diro lama hubin in ardeygu helayo iyo in kale ayuu yiri macalinku.

“Waxa uu ahaa ardey wanaagsan oo dabeecad fiican,xaaskeyguna xitaa waa ay xusuusataa mar uu nala casheeyay” ayuu yiri N S Kapruan.

SDN-Bhopal

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed