|

Macalimiin Minneapolis wax ku barta Ardey Soomaali ah oo booqanaya Geeska Africa

Minneapolis Mar 29,2014(SDN)-Afar ka mida macalimiinta wax ka dhigta xarun ku taal magaalada Minneapolis ayaa qorsheynaya in ay booqdaan degaanada Soomaalida ee ay inta badan ardeyda ay wax baraan ka soo jeedaan ee geeska Africa.

Macalimiinta oo ay ka mid tahay Ayan Maxamed oo iyadu ku dhalatay Soomaaliya ayaa haatan ku gudo jira sidii ay u kafaale qaadi lahaayeen kharashaadka ku baxaya safarkooda.

Macalimiinta ayaa qaba in hadii ay aqoon dheeri ah ka helaan dhaqanka Soomaalida ay u fududeyn doonto in ay wax baraan.

Si taa loo helona ay muhiim tahay in ay booqdaan degaanada ay ka soo jeedaan ee Itoobiya,Soomaaliya iyo Jabuuti.

Macalimiintan oo wax ka dhiga Anne Sullivan Communication Center ayaa ardeyda wax ka barataahi yihiin 60%.

Macalimiinta ayaa haatan helay $10 kun oo dollar oo ay ugu deeqday safarka Achien Mpls,balse u baahan in $6000 oo kale,waxaaney haatan ka ururinayaan cidii gacan ku siineysa arinkan.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed