Maayirka Caasimada Oo Lacago Kala Duwan Gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa Iyo Dugsiyada Hoose/Dhexe
Hargaysa 23. February 2016 (SDN/QJ):- Maayirka Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) Ayaa lacago Dawlada Hoose ee Hargeysa sanadkan ugu tallo gashay inay kaga qayb qaadato hawlaha waxbarashada iyo caafimaadka gaadhsiiyey cusbitaalka guud ee hargeysa iyo dugsiyada hoose/dhexe ee dawliga ah.
Maayirka ayaa ugu horreyn ka xog-waramay siyaasada maamul daadajinta Dawlada Hoose ee sanadkan iyo sida ay uga qayb qaadanayaan hawlaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa waxa uu yidhi:- “Siyaasadda maamul daadajinta waxa iska kaashan doona saddex qaybood oo kala ah hadba hay’adda ay khuseysa ee Caafimaadka iyo Waxbarashadda, dawladda hoose iyo hay’adaha ku midoobay Mashruuca GPLJ-ga gaar ahaan UNICEF. Markaa anagu dhinacayaga diyaar baanu u nahay, dhinaca kalena waanu sugaynaa ”.
Maayirku waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey sanadkan dawlada hoose lacagaha ay ugu tallo gashay inay kaga qayb qaadato Waxbarashada iyo Caafimaadka “Sanadkan Dawlad Hoose ahaan waxaanu ugu tallogalnay Waxbarashada boqol iyo kunton kun oo dollar, si dugsiyada hoose/dhexe ay uga kabto kharashka shaqaale hoosaadka, isla markaana aanu miisaaniyadda ugu darnay, xagga Caafmaadkana boqol iyo afar iyo soddon kun oo dollar, oo aanu ugu tallo galnay dhisme, shidaal iyo nadaafada oo uu ka mid yahay konton kun oo dollar oo aanu ugu tallogalnay dhismaha qolka xaaladda degdega ah ee loo yaqaano (Out patient), iyo labaatan kun oo dollar aanu ugu tallogalnay sii wadista cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh iyo dhismaha saddex MCH oo aanu dhisi doonno”.
Sidaasi awgeedna hadda waxaan bixinayaa wajigii koowaad ee lacagahaasi oo kala ah labaatan kun oo ka mid ah kontonkii kun ee loogu tallogalay dhismaha Outpatient-ka iyo lix iyo sideetan milyan iyo afar boqol oo Shillin oo aanu ku bixin doonno waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe oo aanu kaga bixin doonno shaqaale hoosaadka dugsiyada hoose/dhexe ee Caasimadda.
Intaasi ka dibna Maayirku waxa uu guddoonsiiyey Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa, Dr:Axmed Cumar Askar oo ka guddoomay maayirka lacagtani ayaa waxa uu yidhi:- “Waxaan dawladda hoose uga mahad celinayaa deeqdan oo aanu baahi weyn u qabnay, taasoo lagu ballaadhinayo dhismaha qaybta xanuunka degdeg ah ee Outptient-ka oo ka mid ah dhismihii ingiriiska ka tagay, una baahan ballaadhan iyo hagaajin.
Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay in dawladda hoose tahay meesha kaliya ee ay ku tiirsan yihiin oo ay ka caawiso shidaalka mishiinadda ay ku shaqeeyaan, caawimada dadka dhimirka wax ka qaba oo ay had iyo jeer xoolo u qalaan iyo xagga nadaafadda oo qayb weyn ay ka qaataan”.