Maayarka Muqdisho iyo Wasiirka Amniga Oo Isku Khilaafsan Jid Turkigu Dhisay Oo Qaramada Midoobay Burburinayso
Muqdisho,16Oct,2015(QJ/SDN)- Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay Maayarka Muqdisho iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, kadib markii ay isku maandhaafeen jid hay’adda qaramada midoobay burburinayso.
Jidka Laamiga ah ee isku xidha madaarka Muqdisho iyo jidka Km4 ayay hay’addu xidhaysaa kadib markii ay wasiirka daakhiliga ka heshay warqad ogolaansho ah balse maayarka ayaa arrintaasi hor istaagay, sheegayna in wasiirku khiyaamo qaran sameeyay.
Duqa Muqdisho oo goobta ku horreeyay ayaa joojiyay burburintii laamiga ee ka socotay halkaas, balse markii uu ka tagay ayaa dib loo billaabay, laakiinse waxaa kusoo laabtay halkaas duqa Muqdisho iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo mar kale joojiyay burburintii lagu hayay laamiga.
Maayarka Muqdisho Mungaab, ayaa sheegay in wasiirka daakhiligu jidadkii Turkigu dhisay ku fasaxayo hay’ad burburisa “Wasiirka amnigu xaq uma laha inuu bixiyo fasax waddo lagu xidhanayo ama la fasaxayo, waana sharci-darro. Wuxuu maanta sameeyay damiirkeenu ma ogola. In waddooyinkii ay noo dhiseen walaalaha dalka Turkiga maanta gadh-weyn lala dhaco; waana khiyaamo Qaran. Wasiirka Amnigana waxaan la tiigsanaynaa sharciga,” ayuu yidhi Mr Mungaab.
Dr.Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya lagu qaadi doono dambi qaran oo ah burburin hanti qaran islamarkaana la la tiigsanayo sharciga. Waxa uu ku dooday inaanay jiri doonin jid la xidho, kuwa xidhana la furi doono.
Ugu danbeyntii, hay’adda Qaramada Midoobay eek u sugan magaalada Muqdisho ayaa miciin bada dhagaxaanta iyo sabaddaha iyagoo iskaga dhiga qaraxyada iyo weerarada kaga imanaya xarakada Al-shabaab.