Maayarka ku Xigeenka Berbera oo Shacabka Magaaladaas ugu baaqay Bixinta Cashuuraha
Berbera 14March (SDN) Ku xigeenka Maayerka magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil Mud, Baashe cabdillahi, ayaa ugu baaqay Bulshada gobolka saaxil inay u guntadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha haruumarineed ee gobolka,iskana xilsaaraan hab-simi u bixinta cashuuraha kala duwan ee ku waajibay oo laf-dhabar u ah kob-cinta dhaqaalaha gobolka iyo Guud ahaan dalka.
Maayer-ku- xigeenka Berbera Mudane Baashe cabdillahi yac-quub ,oo u waramayey Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com , waxa uu sheegay in mudadii koob-nayd ee golahooda degaanku maamulka hayeen, ay wax-badan ka qabteen adeegyada bulshada , ee dhinac-yada wadooyinka iyo fayo dhowrka guud, todobaad kastana ay qaadaan olole nadaafadeed oo xashiishka lagaga nadiifiyo magaalada.waxaanuu xusay inay ka go’an tahay inay fuliyaan balan-qaadyadii ay u qaadeen shacabka waq-tigii ololahii doorashada lagu jiray.
Mud,Baashe C/llahi yac-quub, waxa uu sheegay, in ay joojiyeen dhul-bixintii magaalada ilaa inta ay ka dhamays tirayaan wixii qabyo ah ee la xidhiidha dhul bixinta, oo uu sheegay in si dhakhso ah loo dhamaystiridoono.
Ku xigeenka Maayerka magaalada Berbera waxa kale oo uu sheegay in dhawaan ay dhagax-dhigeen dhismayaal lagu kordhinayo xarunta dawladda hoose ee berbera, ka dib markii la arkay baahi dhinaca xafiisyada xarunta ah kuwaas oo uu sheegay in dhawaan lagu hawlgeli doono.
Berbera SDN.
qurbejoog@gmail.com