|

Maayarka Hargeysa oo Dhagax dhigay Jid Cusub, kana hadlay Ololaha lagu banneynayo Waddooyinka Hal-bawlaha ah DAAWO

Hargaysa 26 February 2016-(SDN/QJ):– Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa Shalay dhagax dhigay Waddada Xaafadda Jameecada ee koonfurta Hargeysa.

Photo File

Photo File

Munaasibad lagu shaacinayey dhagax dhiga waddadan jameecada, ayaa waxa ka soo qaybgallay maayar ku xigeenka, xildhibaanada Golaha deegaanka iyo guddida xaafadda jameecada.

 

Odayaasha xaafadda jameecada ayaa maayarka iyo dawladda hoose ee Hargeysa uga mahadnaqday dhagax dhigga waddadan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana dadweynaha xaafaduna qayb libaaxle ka qaadan doonaan.

 

“Haddii aanu nahay Madaxdii dawladda hoose anagoo isku duuban shan iyo labaatanka xildhibaan ba waxaanu u dhaaranay in Hargeysa aanu wax u qabano, dad waxa jira meelahaasi ka had hadla, kuwaasi waa dilaaliin oo waxba ka odhan mayno, laakiin wixii aanu Hargeysa u qabanay iyo wixii aynu xaafaddan aynu joogno waddo ka dhisnay dadkaa sheegi. “ayuu yidhi Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne).

 

Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay inay jiraan dad dacaayado ka fidiya dawladda hoose, balse waxay magaalada u qabteen ay dadweynuhu markhaati ka yihiin.

 

“Waxa jira dad meelahaasi ka hadla oo dacaayado ka fidiya, kuwaas uma jawaabno, laakiin waxaanu diyaar u nahay dood aanu dadweynaha la galno wixii aanu saddexdii sanno ee aanu caasimadda maamulaynay u qabanay”ayuu yidhi maayar Soltelko.

 

Sidoo kale, waxay Maayarka iyo ku-xigeenkiisu ka hadleen qorshaha Waddo baneynta ee Dawladda hoose, “Waxa jirta olole balaadhan oo jidad banayn ah oo aanu ku jirno, waxay doorkan ka bilaabmaysa jidka Xaafadda TOTAL, waxaana leeyahay dadweynaha jiingadaha iyo meheradaha ka samaystay waxaan leeyahay ka guura inta aanay hawlgalka dawladda hoose idin iman, waxana doonayna inay caasimaddu noqoto mid bilic le.”ayuu yidhi Maayarka oo ka hadlaya waddo baneynta ay ku hawlan yihiin.

Comments are closed