|

Maayarka Hargaysa iyo Madax kale oo Kormeer ku soo maray Mashaariic uu dhismayaashoodu socdo

Hargaysa 04.Nov 2013 (SDN)- Maayirka caasimada hargasya cabdiraxamaan maxamuud caydiid soltelco oo ay weheliyaan gudoomiyaha dhulka ee golaha deegaanka hargaysa maxamed warsame caalin timacade iyo agaasimaha waaaxda qorshaynta dhulka iyo fidinta caasimada cabdilaahi aw cali axmed [ ubax ] ayaa kormeer kusoo maray mashaariicda dawlada hoose ka wado guud ahaan qeybaha caasimada hargaysa.

Photo File

Photo File

Maayirka iyo xubnaha ku wehelinayay kormeerka ayaa ugu horeyn booqday wadada cusub ee laga samayanyao degmooyinka gacan libaax iyo macalin haaruun wadadaas oo xidhidhin doonta labadaasi degmo waxaanay halkaasi kula kulmeen gudiyada hirumarinta ee degmooyinkaasi ooka war bixiyay halka ay marayaso dhismaha wadadu ugu horeyn maayirka caasimada md cabdiraxman maxamuud caydiid oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegayin dawlada hoose ay la garab taagan tahay bulshada caasimada wax ka qabashada arimaha bulshada sida wadooyinka  iyo wixii la xidhiidha isagoo balan qaaday in ay ka go an tahay horumarinata guud ahaan caasiamada.

Waxaanu intaa ku daray in dadweynaha ku dhaqan caasimada uu ka codsanyo in ay iska soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay oo ah kuwa suuro galinaya waxqabadka iyo horumarinta ariamaha bulshada, waxaanu maayirku sheegay in maalinta khamiista ee todobaadkan in dawlada hoose ay qaadi doonto olale nadaafadeed oo laga smayn doono caasimada taasoo uu dadweynaha ka codsaday in lagala qayb qaato.

Maayirka ayaa geesta kale hanbalyo iyo bogaadin u diray ciidamada booliiska j s l  oo maanta loo dabaal dagay sanadguuradoodii labtaanaad

Maayirku mar uu ka hadlaayay habsami u socodka shaqo maalmeedka dawlada hoose waxa uu sheegay in aanay xafiisyada dawlada hoose aanay jirin wax faylal ah oo  ku habsaama islamrkaa hawlwadeenada ka hawl gala ay diyaar u yihiin gudashada waajibaaadka shaqo ee ay bulshada u hayaan.

Gudoomiyaha dhulka ee golaha deegaanka caasimada hargaysa xildhibaan  maxamed warsame caalin [ timocade] oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in mashaariicada dawlada hoose ay wado in intoodii badnayd ay dhamaatay islamrkaa kuwa hada socdaana ay ku dhaw yihiin gabagabo, waxaanu intaa ku daray in gole ahaan ay dadaal ugu jiraan sidii ay u horumarin lahaayeen caasimada hargaysa.

Agaasimaha waaxda qorshaynta dhulka  iyo fidinta caasimada eng cabdilaahi aw cali axmed [ubax] oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in waaxda qorshaynta dhulku ay bilawday nidaam qorshe casri ah  oo lagala socon doono qaabaynata iyo qorshaynta caasimada nidaamkaas oo ah nooca loo yaqaan [ G B R S] nidaamkaas oo wejigiisii kasoo dhamaaday waqooyiga caasimada islamrkaa hada ay ka bilaabeen wejigiisii labaad koonfurta caasimada ,waxaanu agaasimuhu sheegay in nidaamkani uu wax weynka tari doono hagaajinta caasimada islamarkaana uu yarayn doono muranada dhulka.

Gabagabadii waxa halkaasi hadalo mahad celin ah kasoo jeediyay af hayeenka gudiyada horumarinta dagmooyinka gacan libaax iyo maclim haaruun ibraahim xaaji yusuf dhoolayare kaasoo sheegay in ay gudi ahaan doorkooda ka qaadan doonaan hirgalinta dhismaha wadadaaasi xidhiidhin doonta labada degmo isagoo tilmaamay in dhismaha hada la bilaabay in ay dhan tahay sedex kiiloo mtir kaasoo ay boqolkiiba todobaatan bixsay kharashka ku baxaya dawlada hoose inta hadhayna ay bixiyeen dadweynaha ku dhaqan labada degmo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed