|

Maayarka Gebilay oo la rabo in Xilka laga qaado iyo Cida rabta inay Maayar ka noqoto

Hargaysa 17.April 2014 (SDN)- Tan iyo doorashooyinkii Golaha deegaanka Ee Somaliland ka qabsoomay waxa Is riix riix ku yimid cida Noqon Lahayd Maayirka Magaalooyinka Qaarkood Iyadoo magaalada Gabileyna Ka mid ahayd

Maayarka Gebilay2Maayir Shucayb  maxamed  Muuse oo ka soo baxay Xisbiga  muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Loogu doortay Inuu noqdo Maayirka Magaalada Gabiley Iyadoo markii Dambe duufaano Siyaasadaysay oo ka soo burqanaya golaha deegaanka magaalada Gabiley.

Waxa Haatan Qalqaalo  Loogu jiraa Sidii Xilka Maayirnimo Looga tuuri Lahaa Shucayb Maxamed Muuse oo Mudo kooban Xilka Hayay

Sida  Dad Xog ogaali ayaa  sheegay in isaga iyo masuuliyiin kale loo balan sanayay in Xilka Laga tuuro

Maayar Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Lagu Eedeeyay Musuq-Maasuq Dul Hoganaya Isaga Iyo Masuuliyeen Kale Siday Xaqiijeeyn Ila Wadareeyo Xogogaal Ahi.

Xilka Qaadista Maayarka Magaalada Gabilay Ayaa La Xaqjiiyay In Ay Salka Ku Hayso Masuuliyiin Ka Tirsan Sirdoonka Dalka Itoobiya Oo Lagu Baadhay Gobolka Gabiley Iyo Waliba Musuq-Maasuq Baahsan Oo La Sheegay In Uu Kula Kacay Hanti Dawladeed.

 

Waxaa Durba Soo ifbaxay Xildhibaano Hunguri Ka Hayo Qabashada Jagada Maayarka Gobolka Gabilay, Kuwaas Oo Uu Ka Mid Yahay Xildhibaan Aamin Cumar Dheere Oo  Ka Faa’iidaysanaya Sida La Sheegay Mooshinka Xil-Ka-Qaadista Ah Ee Lala Damacsanyahay Maayar Shucayb Maxamed Muuse.

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed