Maayarka Gebilay oo Huteelada ka Mabnuucay Shirarka Xisbiyada iyo Ucid oo u Joojin Weyday
Hargaysa 01.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maayerka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa soo saaray Amar uu ku mabnoocayo Xafladaha Siyaasadeed ee lagu qabto Huteellada magaaladaas, isla markaana waxa uu Mulkiilayaasha iyo Masuuliyiinta Hudheellada Gabiley ku amray inaanay Meheradohooda u oggolaan karin in Munaasibadaha Siyaasadeed ay ku qabsadaan Xisbiyada Siyaasaddu, ciddii amarkaa u hoggaansami waydana wuxu ugu hanjabay in Boolisku waajibkooda ka gudan doono,Maayerku ma sheegin in uu gabi ahaanba ka mamnuucay gudaha magaalada Gabilay in ay guud ahaan Xisbiyada Qaanku ku qabsadaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyo in amarkiisu gaar ku yahay oo uu qabano oo kaliya labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID.qoraalka amarka ah ee caawa ka soo baxay Maayerka Degmada Gabliya,ayaa ku soo beegmay iyadoo Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo maalinta berri ah oo arbaca ah doonayay in ay xaflad ku qabsadaan mgalda Gabilay.
Hase-yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ayaa maanta Buriyay Go’aanka Maayarka Isla markaana ku qabtay Xaflad ay ku soo dhawaynayeen Taageerayaal cusub oo ku soo biiray.
Qoraallo ay soo saareen Duqa Degmada Gabiley iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Gabiley, ayaa lagu socodsiiyey dhinacyo Siyaasiyiin, Maamul gobol, Mulkiilayaasha Huteellada iyo Booliska isugu jira, isla markaana waxa uu Maayerka Gabiley qoraalkiisa ku kala socodsiiyey Hudheellada magaalada, Taliyaha Saldhigga Boolis degmada, Taliyaha Qaybta Booliska gobolka iyo Guddoomiyaha Maamulka gobolka Gabiley, waxa uu ku yidhi; “Ujeeddo: Amar………: Joojin Shir Siyaasadaysan:-
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay (ahayd) 30/09/2014, waxa la joojiyey Xafladaha lagu qabanayo Hudheellada, maaddaama oo aan la gaadhin wakhtigii ololaha, taas oo ay Xaalado badani jiraan awgeed.
Sidaa darteed, waxa la farayaa Mulkiilayaasha Hudheellada Gabiley inaan magaalada laga oggoleyn wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah iyo Xaflado Hudheellada lagu qabto. Taliyaha Saldhigga Booliska Gabiley waxa la farayaa inaad tallaabo ka qaaddo ciddii u hoggaansami wayda amarkaas. Masuuliyiinta kale ee ogeysiiska ku leh-na waa inay sidaa ula socdaan.” Sidaa ayuu Maayerka Gabiley ku yidhi Qoraalkan uu ku saxeexnaa ee uu u kala diray dhinacyada kor ku xusan oo Nuqul ka mid ah aannu caawa helnay.
Sidoo kale, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Gabiley Dhamme Cabdi Aadan Faarax, ayaa waxa uu soo saaray qoraal uu ku socodsiiyey Ibraahin Axmed Xasan (Sangal) oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Deegaanka Gabiley, wakhtiganna ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jooga gobolka Gabiley, kaasoo uu qoraalkiisa ku farayo inaanu haba-yaraadaane aanu wax Xaflado siyaasadeed ah ku qaban Gabiley, isagoo Taliyuhu tix-raacaya qoraalka Maayerka Gabiley.
“Sidaa daraaddedd maaddaama oo ay degmada ka jiraan xaalado xasaasi ah oo u baahan in la ilaaliyo nabadgelyada dadka iyo degmada. Waxa lagu farayaa inaanad wax shirar siyaasadaysan ah ka qaban degmada.” Sidaa ayuu Taliyaha Saldhigga Booliska magaalada Gabiley Dhamme Cabdi ku yidhi qoraalka uu ku war-geliyey Ibraahin-San-gal.
Hase-yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa go’aankaas Maayerka Gabiley soo saaray Cambaareeyey, isla markaana ku tilmaamay Sharci-jebin ka hor-imanaysa xaqa Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaallaa siiyeen Xisbiyada Siyaasadda, iyagoo xusay in ujeeddada go’aankan laga leeyahay tahay mid la doonayo in lagu joojiyo Munaasibad UCID Arbacada Gabiley ugu qaban lahaa Taageerayaal cusub oo ku biiraya Xisbigooda, balse ay Maanta Si Cad ugu qabteen Huteel ka mid ah Magaaladaasi Xafladoodii isla markaana ay ka qayb galeen Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com