Maayarka Caasimadda Oo Shaqadii Ka Eryey Agaasimihii Qorshaynta Dawlada Hoose iyo Sababta Keentay Khilaafkooda
Hargeysa:21-Feb-2013(SDN)-Ka Dib Khilaaf Xooggan oo Dibadda u soo Baxay ayuu Maayarka Caasimadda Hargeysa Shaqadii ka Eryey Agaasimihii Qorshshaynta Dhulka Ee Dawladda Hoose Cabdilaahi Aw Cali Axmed Ubax.
Maayarka Caasimadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa Ka Biyo Diiday Hannaanka uu Agaasimahaas Qorshaynta ee uu xilka ka Qaaday wax u wado, waxana uu saluugay Tallooyin Badan oo uu qaaday oo keenay khilaaf dhex maray Dawladda Hoose iyo Dad shacab ah oo dhulkoodii la isku dayey in la Qorsheeyo.
Cadbilaahi Ubax oo ahaa nin qurbejoog ah, isla-markaana khabiir ku ah arrimaha Dhulka iyo Qorshayntoodaba, ayaa uu maayarku hore ugu xushay inuu Buuxiyo Kaalinta Qorshaynta Dawladda hoose ooh ore si weyn loogu dhaliili jirey, waxase dhacday inay isla Jaanqaadi waayaan Hannaanka uu Cabdilaahi Ubax wax u waday iyo midka ay doonayaan dadka dhulka iska leh ee wax loo qorsheeyo oo had iyo Goor awood gaar ah ku leh Arrimahaas lagalana tashado.
Agaasimihan Haatan Xilka laga qaaday ayaa isku dayey inuu dib u qorsheeyo dhul bannaan ooh ore qorshe uu ku qanci waayey loogu sameeyey, waxana arrimahaas ka dhashay Buuq iyo qaylo meelo sare gaadhay oo maayarku si weyn uga Biyo Diiday.
Maayarka caasimadda ayaa markii uu arkay khilaafka ka Dhashay Tallaabooyinka uuu qaaday Agaasime Ubax, waxa uu Go’aansaday inuu dib u soo Celiyo Agaasimihii hore ee Shaqadan hayn Jire Mr Bulayle oo laga Yaaba in loo magacaabo Jagadaas Bannaanatay.
Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa inteeda badani ah meel aan wax badan dadweynaha iyo magaalada u soo kordhin, waxana dhibka ugu weyni ka taagan yahay Dhulka la qorshaynayo oo mar walba si hoose oo gaar ah loo sameeyo, waxana ay taasi Foolxumo weyn ku Haysaa Caasimadda oo qorshihii ka lumay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com