Maayarka Caasimadda Hargeysa oo Ka Hadlay Cidda Xaqa u leh Inay Diiwaangelin Guud Samayso
Hargeysa:12-Sep-2013(SDN)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa Markii ugu horraysay badheedhihiisa ka dhiibta cidda ay tahay inay samayso Diiwaan-gelta Guud(Civil Registeration) ee Shacabka reer Somaliland.
Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo la hadlayey Qaar ka mid ah warbaahinta Dalka, ayaa tilmaamay inay dawladda Hoose tahay ta kaliya ee Xaqa u leh inay samayso diiwaangelinta Dadweynaha, “Wali meel la islama dhigin, laakiin Diiwaangelinta shacabka waxa xaq u leh dawladaha Hoose oo ay ku kaantaroolayso wasaaradda arimaha Gudaha, diiwaan-gelinta shacabkana (civilregisteration) dawladaha hoose iyo wasaaradda arrimaha Gudaha oo wada shaqaynaya cidaan ahayni ma samayn karta.” Ayuu yidhi maayarka caasimadda Hargeysa.
Sidoo kale waxa uu maayarku ka hadlay soo jeedinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee ah in la is raaciyo diiwaangelinta shacabka iyo midda Codaynta oo ah laba hawlood oo aan fududayn, waxana uu yidhi, “Anigu shakhsiyan maayar ahaan waxan qabaa inaan la is raacin Diiwaangelinta doorashada iyo midda guud ee dalka, waayo midda Doorashadu waxa ay had iyo goor keentaa Tartan, sidaa darteed waxan qabaa inaan la israacin.”
Maayar Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu sidoo kale tilmaamay inay Haboon tahay marka la doonayo in la sameeyo Diiwaangelin guud oo dadweyne in la taageero midda haatan ay dawladda Hoose gacanta ku hayso, waxana uu yidhi, “Ilaa sanadkii 1993-kii dawladda hoose ee Haregeysa waxa ay wadday taysarooyinka meel fiicanna way maraysaa, waxana fiican in taas la dhiiri geliyo uun.”
Maayarka caasimaddu waxa kale oo uu ka hadlay, bal intii uu maayarka caasimadda ahaa wixii ugu yaabka badnaa ee uu arko, “Intii aan maayarka ahaa waxa iigu yaab badnaa waddo masaajid lagu xidhayo iyo waddo xabaalo lagu xidhayo si dhul loo helo, labadubana waa qaadacu dariiqnimo markaanu culimada waydiinay.” Ayuu yidhi maayar cabdiraxmaan soltelco.
Ugu dambayntii waxa uu maayar cabdiraxmaan Soltelco u soo jeediyey shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland inay ku dedaalaan koruqaadidda bilicda caasimadda iyo bixinta cashuurta ku waajibtay, waxana uu yidhi, “Bulshada waxan ka waaninayaa inay ka waantoobaan inay waddooyinka qashinka ka daayaan, kana qaadaan wax kasta oo dhibaato ku ah, waana inay nagala shaqeeyaan quruxda caasimadda dalka.Waxan sidoo kale farayaa inay cashuurta iska bixiyaan.”
Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ah maayar dhallinyaro ah, ayaa ilaa iyo haatan ku dhaqaaqay tallaabooyin horumarin ah oo la xidhiidha dhinacyada bilicda iyo nadaafadda caasimadda iyo waliba samaynta waddooyin laga hirgelinayo caasimadda daamaheeda kala duwan, waxana ay shacabku ku han weyn yihiin inuu sii kordhiyo dedaalka uu ugu jiro qurxinta Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Diiwaan-gelinta Guud ee Shacabka reer Somaliland ayaa ciddii samayn lahayd muran ka taagan yahay, iyadoo wasaaradda Arrimahaga Guduhus hore iskugu cimaamadday inay samayn doonto, haddase wali la islama meel dhigin cidda rasmiga ah ee samayn doonta, xilli maayarku sheegtay inay dawladaha hoose xaq u leeyihiin inay sameeyaan arrintaas.
Somalidiasporanews.com
Conatact@somalidiasporanews.com