Maayarka Caasimada iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha oo Xadhiga ka Jaray Saribada Degmada Maxamud Haybe
Hargaysa 14.Aug.2013 (SDN) Agaasimaha Guud Ee Wasaarada arimaha Gudaha iyo Maayirka Caasimada Hargeisa ayaa maanta Si wada Jir ah Xadhiga Uga jaraya Sariimada Degmada Maxmaed haybe.
Munaasibadan Xadhig Ka Jarida Sariimada ayaa waxa Lagu qabta HoolkaSariimaha Wayne Ee Xaafada Maxamuud Haybe Waxana ka Soo Qayb galay qaarka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deeganka Caasimada Hargeisa iyo Masuuliiyiin Kale .
Ugu Horeyn waxa Goobtaasi ka Hadlay maayirka Caasimada Hargaysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isagoo sheegay inay dayactirkan sariimadu socday mudo ku siman laba sano isagoo sheegay inay ka koobantahay 27 qol waxanu ku amaanay shirkada qandaraaska qaatayay ee dhamaystirtay sariimahda .
Waxa kale oo goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasarada Arimaha Gudaha JSl Md Cabdi Samad Maxamed Maal ISagoo sheegay inay Maanta aadugu faraxsanyihiin sariimad baaxadaa leh oo laga hirgaliyo xaafadan isla markaasina si wanagsan loogu dayactiro.
Geesta Kalena Maayirka Caasimada Hargeisa ayaa waxa uu xadhiga ka jaray wado 500 mtir ah oo ku taala Isla Xaafadaaasi sidoo kalen isagoo dhagax dhigay wada halbawlaha ah ee suuqa way nee hargaysa dhexmarta taasi oo la dayactiridoono dhawaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com