Maayarka Caasimada Hargaysa oo Iftiimiyay Waxqabadkooda ku aadan Bishan Decenbar
Hargaysa 07.Dec 2013 (SDN)- Maayirka caasiamada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [ soltelco] ayaa maanta shir jaraa id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay waxqabadayada bishan decembar u qorshaysan dawlada hoose in ay ka fuliso caasimada Hargaysa.
Maayirka caasimada hargaysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [ soltelco] waxa uu intaa ku daray in mudadii ay xafiiska joogeen in ay wax ka qabteen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dayactirka wadooyinka caasimada , kor u qaadida bilicad caasimada iyo mashaariic kale oo u saabasan arimaha bulshada sidaa daraadeed bishan diisanbar hawlaha u qorshaysan ay ka mid yihiin dhinacayad fayo dhawrka gaar ahaan ururinta qashinka .
Waxa maayirku sheegay in arinta qashinka ay soo baxeen cabashooyin badan islamrkaa golaha deegaanka caasimadu uu fadhi ka yeelan doono maalinta salaasada ee todobaadkan, waxaanu intaa ku daray in shirkadaha qashinka ay ka dalbadeen in shirkad kastaa ay keento gaadiid kuwa qashinka ah taasoo intoodii badnayd ay keeneen inta kalana laga sugayo. Waxaanu tilmamay maayirku in wakhtigii loo qabtay shirkadaha aan wali keenin gaadiidka qashinka in ay ku eegtahay maalinta bari ah
Maayirku waxa uu xusay in fadhiga ay salaasada ka yeelanayaan shirkadaha qashinka in ay kaga hadli doonaan xeerka qabanaya cidii meel wado ah ku daadisa qashin taasoo ay kala kulmi doonaan ganaax
geesta kale waxa maayirku sheegay in dawlada hoose ay fulin doonto masaariiic horumarineed oo ay a mid yihiin dhismayaal garoomo Kuabadeed oo isagu jira kuwa kubadaha Cagta iyo Kolayaga iyo sidoo kale Saldhigayo laga samanyn doono xaafadaha qaarkood.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com