Maayarka Boorama oo Ka Xog Waramay Shir u furmay Maayarada Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland
Hargaysa 30.June (SDN)Maayirada Degmooyinka Derajada Kowaad ee Gobolada Dalka ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa.
Kulanka Maayirada oo uu shir Gudoominayey Maayirka Caasimada Hargeysa Mud,C/raxmaan maxamuud Caydiid, ayaa waxa ay maayaradu kaga wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen howlaha horuumarineed ee degmooyinka ,wax wada qabsina ay u yeelan lahaayeen.
Maayirka degmada Boorame Mud, Saleebaan xasan xaddi oo Kulankan xog waran ka siiyey Shabakada Qurbejoog.com ayaa sheegay in Kulankoodani uu ahaa mid Is-barasho iyo sidii ay degmooyinku u yeelan lahaayen iskaashi,,maadaama ayuu yidhi ay degmooyinku wax-yaalo badan ay ku kala duwan yihiin oo aanay isku dakhli iyo dhaqaale ahayn.
Mudane,Saleebaan xasan xaddi, waxa uu intaaraaciyey in kulankoodani uu ahaa kii kowaad iskulana meel dhigeen sidii Kulamadoodu u sii socon lahaayeen,waxaanuu xusay in ay isla qaateen in kulamadoda noocan ah ay isugu soo noqon doonaan wixii ka danbeeya Bisha barakaysan ee Ramadaan ee inagu soo foolka leh. Waxaanuu intaa ku daray in kulankan ay kala soo qayb galeen saraakiil ka socota Hay’adda UN HABITAT oo iyadu taakulayn iyo caawimaba siiya Dawladaha Hoose.
Dhinaca kalena, Muddane Xaddi oo ka hadlay Wax-qabadka Golahooda Degaanka Boorame, waxa uu sheegay in ay howla badan fuliyeen,haatana ay wadaan qorshe ku saabsan sidii dadka danyarta ah, kuwa degan xafiisyada dowladu leedahay iyo kuwa wadooyinka hareeraheeda degan ay ugu dhisi lahaayeen Guryo, haatana la wado dhismaha 150 Guri oo ah bilowga dib u dejinta dadkaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com