|

Maayarka Boorama oo ka Hadlay Waxqabadkii u Hirgalay Lixdii Bilood ee Sannadkan

Gebilay 25.July (SDN) Maayirka Degmada Gabilay Mud, Shucayb Maxamed Muuse ayaa sheegay, in mudadii Lixda bilood ahayd ee ay xilka  hayeen ay fuliyeen mashaariic badan kuwa kalena ay haatan wadaan.

Maayirka Gabilay oo u waramayey Shabakada Qurbejoog.com waxa uu sheegay, in ay waxbadan ka qabteen dhinaca wadooyinka, haatana ay magaalada Gabilay ka bilaabeen wado sideed boqol oo mitir ah,  mid kun iyo laba boqol oo mitir ahna ay dhagax dhigeen.

Mudane, shucayb waxa uu sheegay, in ay ku tala jiraan oo kale sidii  ay u bilaabi lahaayeen  qaybtii kaga soo hagaagtay Gabilay iyo wajaale  samaynta jidka isku xidha  Kala-baydh iyo wajaale.

Maayirka Gabilay waxa kale oo uu xusay inay haatan wadaan qalabaynta Guryaha martida ee Gabilay, kuwaasi oo ka kooban ayuu yidhi maayirku shan Guri.

Maayirka   degmada Gabilay, waxa uu intaa ku daray in ballan qaadayadii ay qaadeen ay waxna fuliyeen waxna ay  dhiman yihiin, kuwaasi oo ay ku tala jiraan inay sida ugu dhakhsiinyaha badan ay u fulin doonaan. Waxaanuu Bulshada Gobolka iyo Degmada Gabilay u soo jeediyey inay garabka la qabtaan hawlaha  ay ugu adeegayaan ee horuumarinta gobolka.

Gebilay SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed