|

Maayar Soltelco Oo Muraara-dillaacii Uu Ka Qaadday Mooshinnadii Ka Dhanka ahaa Amar Ku Bixiyey Duminta Aqallada Xubno Baarlamaanka Katirsan Oo Mooshinkaas Lagu Tuhunsan yahay

Hargeysa:May,25,2015(SDN/QJ)-Kadib Mooshinkii dirqiga ku fashilmay ee ka dhanka ahaa Maayarada waddanka, ayaa waxa soo baxaya tallaabooyin la yaable oo Maayarka Caasimadda Hargeysa kaga aargoosanayo Mudanayaal Mooshinkaas dabada ka riixiyey.

solorMaayar Solltelco, ayaa beegsaday Aqalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(obama)oo isagu mooshinkaas xildhibaanada waday hoggaaminayey, waxana, waxana uu shaqaalihiisa amray inay Dumiyaan Kaabado ammaanka loogu talo galay oo ay Dawladda Hoose hore ugu oggolaatay inuu samaysto, kuwaas oo amar dumis ah kusoo qoray.

Aqalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Hay’ado Caalami ahi galaan, isla-markaana  Kaabado ammaan hore loogu sameeyey, ayuu maayar soltelco  u arkaa inay tahay fursad uu kaga aargosan karo, taas oo isla saacado gudahood muuqatay.

Talaabadan oo uu Maayar Soltelco qaaday Habeenimadii Mooshinka aroornimadeeda la soo dhigayey ayaa u muuqda in uu qayb ka ahaa talaabooyin is xig xigay oo uu Maayarku kula dagaalamayey xildhibaanadii Mooshinka waday, kuwaas oo la sheegay inuu Maayarka iyo dad uu abaabulay oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano kala duwani guryahooda iyo goobaha laga helo ku doonteen isla markaana fursado dhaqaale iyo kuwo kale-ba u bandhigay si ay uga hadhaan meel marinta Mooshinkaasi.

Inkasta oo ay Golaha Wakiiladdu joojiyeen Mooshinkaasi, isla markaana lagu hakiyey Cod hadana waxa muuqata talaabooyinka sahlay inay muujinayaan in Maayarka Hargeysa iyo Golayaasha Deegaanku si xoog ah uga hawl-galeen, wallow ay  tahay talaabada ugu adag ee uu kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) oo meheradiisii laga weeraray, hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Dawladda Hoose ee Hargeysa ma fulin doontaa Duminta Xayndaabka amaanka ee Guest House-kaasi mise waxay noqon doontaa talaabo xildhibaanka lagu cabsi galinayey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed