Maayar ku xigeenka Caasimada iyo Mas’uuliyiin kale oo booqday xaafada State houska ee Shalay Gubatay
Hargaysa 09.March.(SDN) Maayiir ku xigeenka caasimada hargeisa Md C/casiis maxamed xaashi oo ay wehilinayeen xildhibaano ka tirsan dawlada hoose iyo badhasaabka gobolka maroodi jeex ayaa maanta gudoonisyey deeq rashiin ah boqol iyo sadex qoys oo dhawaan guryahoodii kaaga gubteen dab ka kacay xaafada istaat hawska ee magaalada hargeisa .
Maayir ku xigeenka caasimada ayaa halkaas waxa uu ku gudoonsiyey dadkii ku hoybeelay dabkaas deeq rashiina oo isagu jirta daqiiq, bariis ,sonkor iyo saliid .
Hadal kooban oo Maayiir ku xigeenku halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu ku sheegay in qorshaha dawlada hoose ay ugu jirto sidii dadka xaafada istaat hawska ku nool loo rari lahaa waxaanu kula dardarmay dadwaynaha xaafada ku dhaqaan inay amnigooda ilaaliyaan wixi dabkan dhaliyeyna ay ciidamada booliska ay baadhayaan.
Badhasaabka gobolka maroodi jeex Maxamed Maxamud Cali (Jeeniyare) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ganacsatada dalka iyo Hay’aadaha khayriga ahba inay dadka tabaalaysan u soo gurmadaan , sidoo kale dawlada hoose ee magaalada hargeisa wuxu kula dardarmay inay dadaalka ay umada u qabanayaan ayaa sii kordhiyaan.
Sida oo kale xoghayaha dawlada hoose ee magaalada hargeisa Mawliid Waris C/laahi ayaa tacsi u diray dadkii wax ku noqday dabkii ka dhashay dhawaan ka dhashay xaafada istaat hawska waxaanu u mahad naqay haya’aada bisha cas oo hoy ay galaan dadkani la soo gaadhay dadkii ku barokacay dabkii qabsaday dhawaan xaafada istaat hawska .
Gaba gabadi gudida xaafada istaat hawska ayaa u mahad naqay sida fican ee ay dawlada hoose ugu heelan tahay wax qabadkooda .
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com