Maatano UK ku nool oo qirtay in ay lacago u ururiyeen Kooxaha xagjiriinta Soomaaliya
London August 01,2012(SDN)-Laba ruux oo mataano ah oo ku nool magaalada London ee dalka UK ayaa qirtay in ay lacago u uririyeen kooxaha xagjiriinta ee Soomaaliya ka dagaalama,sida warbaahinta dalkaasi ay shaacisay
Maxamed Shabir Cali iyo Maxamed Shafiiq Cali oo labaduba ah 25 jiro ayaa lagu wadaa in maanta maxkamadu ku dhawaaqd xukunkooda.
Mataanahan ayaa kolkii hore lagu soo oogay denbi ahaa in ay gacan siinayeen dad damacsanaa in ay ka dagaalamaan dalka UK dibediisa denbigaas oo ay ku muteysan lahaayeen xarig xabsi daaim ah.
Halka haatan qirashadooda in ay lacago u ururiyeen ay ku kasban karaan xarig 14 sanadood ah.
Mataanaha ayaa kolkii la qabtay Aprilshii hore ayaa waxa lagu oogay denbi iminka dib loo dhigay oo ahaa in lagu helay in ay heysteen qoraalo uu daabacay madaxii Al Qaacida ee Anwar Al Awlaki oo la yidhaahdo”Afartan siyaabood oo Jihaadka looga qeybqaato”
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com