|

Maareeyaha Xafiiska Samofalka oo ka hadashay in Kuwait ay Joojinayso Mashruucii Xarunta Agoomaha oo Dhawaan Lagu Mudaharaaday DAAWO

Hargaysa 25.Nov 2015 (SDN/QJ):- Maareeyaha xafiiska Samafalka Marwo Aamina M axamuud Diiriye oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda ayaa ka hadashay arimo ku saabsan xerada lagu xanaaneeyo Agoomaha ee bariga Magaalada hargaysa oo dhawaan Mudaharaad ka Dhacay.
Dhismahaasi oo dhawaan ay hirgalisay dawladda wadanka Kuwait ayaa mareeyaha samofalka ,marwo amina maxamuud diiriye ay tilmaantay in xaruntu maamul ahaan ay hoos timaado xafiiskeeda waxaanay si adag ugu jawaabtay hadalo dhawaan kazoo yeedhay dad ay ku tilmaantay in ay yihiin kuwo leh amuuro iyaga u gaara waxaanay xustay inhadaladasi ay yihiin kuwo sal iyo raad aan lahayn.
Maareeyaha xafiiska Samafalka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa sheegtay in xukuumada Somaliland ay garab taagan tahay xarunta lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah eek u taala bariga magaaladda hargaysa .


Comments are closed