|

Maareeyaha Wershada Laydhka Hargaysa oo dalbaday in lagu soo cadeeyo inuu Wax Musuq maasuqay {DHAGAYSO}

Hargaysa 28March (SDN)  Maareeyaha Wershada Korontada ee Caasimada Hargaysa Weli Axmed Xaawo oo ay dhawaan Sheegeen Gudi uu Madaxweynuhu u Saaray Wershada Laydhka ee Dawladu inay Xilkii ka qaadeen kadib Markii uu ku Kacay Sida ay yidhaahdeen Wax is daba Marin ayaa Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargaysa waxa uu Si adag u naqdiyay Hadalka ka soo yeedhay Gudidaas oo ay Xubno ka Yihiin Wasiirada Hawlaha Guud,Qorshaynta Qaranka,Hanti dhawraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka .

Weli Axmed Xaawo waxa uu dalbaday inuu Gudidaas ka rabo inay ku soo cadeeyaan Eedaynta Culus ee ay Dusha ka Saareen Waxaanu Xusay inaanu u jawaabayn hadalo ay maanta Warbaahinta ka sii daayeen Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wershadaas oo uu ku dooday inuu Hanti dhawraha Guud ee Qaranku soo agaasimay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/INAXAAWO.mp3″]

Comments are closed