Maareeyaha Wargeyska Hubaal:Haddii maanta xukuumadda Siilaanyo saddex jirsatay oo ay damaashaadayso annaguna waxaanu ku xusaynaa sanad guuradayada Cabudhin iyo Xukun iyo xadhig
Hargeysa July 29,2013(SDN)-Maareyaha Wargeyska HUBAALee u xaniban Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa isbarbar dhigay sanadguurada Xukuumada Kulmiye iyo ka wargeyska HUBAAL mar uu u waramay saxaafada.
Wargeyska Hubaal iyo masuuliyiinta ka hawgala ayaa Xukuumada Somaliland isugu dartay isku day dil,xadhig iyo Cabudhin mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay.
“Cadadkii u horreeyey ee Wargeyska Hubaal waxa uu ifka u soo baxay 20-kii bishii Julay ee Sanadkii hore (2012), Haatanna waxa laga joogaa Muddo sanad ah markii aanu aasaasnay wargeyska, waxaana ay ku soo beegan tahay iyadoo la haysto Meeshayadii, oo ay xayiran tahay, iyo Xukunno xadhig iyo ganaax ah oo nalagu riday aniga (Calooley) iyo Tifaftirihiiba (Keefkeef), Waxaana Markhaati laga yahay in Xukuumaddu na hagar daamaynayso mar kasta, welibanna halkii ay sharciga ka ilaalin lahayd iyadu ku tumanaysa oo cid walba uga dhaw dahay. Annagu waxanu leenahay Ummadda Somaliland ayaa Markhaati nooga ah dakanooyinka nagu dhacay oo dhanna, Haddii maanta xukuumadda Siilaanyo saddex jirsatay oo ay damaashaadayso annaguna waxaanu ku xusaynaa sanad guuradayada Cabudhin iyo Xukun iyo xadhig” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley)
SDN-Hargeysa