|

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Wuxuu Ku Qaban Waayay Lix Sannadood, Ma Ku Qaban Karaa Sannad Badhkii ?

Hargaysa 07.October 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa su’aalo badan lagu waydiiyey Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee ka baxa Telefiishanka HCTV.

maareeyaha-wakaalada-biyaha-hargaysaDadweynaha  oo loo fasaxay inay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waydiiyaan su’aal kasta oo Madmadow kaga jiro oo la xidhiidha Biyo-ballaadhinta Hargeysa, ayaa waxa dhallinyaro ka qayb-galay Maareeyaha waydiiyeen Su’aalo adag.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Su’aalaha la waydiiyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, kuwaasi oo Telefiishanku si hor-dhac ah u baahiyey, waxayna Su’aalahaasi u dhaceen sidan:-

  1. Maareeye Waxa jira Dad Guryahooda ay ku jirto Qasabadda Biyuhu, laakiin aanay wax Biyo ahi u soo dhicin, haddana bishii Lacag laga qaado, Dadkaa Maxaa idinka qorsheysan ?
  2. Sannad kasta markuu dhammaanayo waxa la yidhaahdaa Sannadka dambe ayaa Biyo la helayaa, ee Ma rejuun baa, Miyaan Biyo la helaynin. ?
  3. Maareeyuhu wuxuu Wakaaladda joogay Lix Sannadood, biyihiina sidii hore way ka sii rejo xun yihiin, Waayo? Waxaad arkaysaa Xaafado aan Toddobaad biyo helayn iyo kuwo Laba laba Maalmood ay u socdaan, arrintaa sidee wax looga qaban karaa ?
  4. Midowga Yurub wuxuu Biyo-ballaadhinta Hargeysa ku bixiyey Labaatan Milyan oo Lacagta Euro-da ah, Labaatankaa Milyan haddii la geliyey biyaha maxay ka beddeshay Biyo la’aanta Hargeysa ?
  5. Maareeye waxaad xilka haysaa Lix Sannadood, miyaad awoodi wayday inaad Biyaha Maraya Dooxa xidho oo aad u keento Mishiin lagu sifeeyo ? Miyaad u maleynaysaa in Lix Sannadood wixii aad ku qaban wayday, aad Sannad badhkii ku qabatid ?
  6. Maareeye, Waxaad Sheegtay inaad xilka hayso Lix Sannadood iyo Hal bil, Muddadaa ILAAHAY Hal foostana haka dhigee maxaad Hargeysa ku soo kordhisay.”?

Comments are closed