|

Maareeyaha Telefishanka Qaranka S.land oo isku Shaandhayn ku sameeyay Agaasinka Tvga iyo Xil Cusub oo uu soo kordhiyay

Hargaysa 27.March (SDN) Maxamed Xuseen Cali oo ahaa Madaxii Wararka ee Telefishanka Qaranka ayaa Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas Waxa uu u  magacaabay inuu noqdo Tifaftiraha Guud ee Somaliland National Tv.

Sida uu Warkani Sheegayo Maxamed Xuseen Cali oo ka mid ah Ruug cadaayada ka Hawl gala Wasaarada Warfaafinta iyo Telefishanka Qaranka ayaa Xilkan ku mutaystay Dadaal iyo dhabar adayg uu u lahaa hawsha Culus,ee Mudada badan Xilkeeda soo hayay isla markaana gaadhsiiyay in Wararka Telefishanku ay noqdaan kuwo soo Gala Xiliyo kala duwan gaar ahaan Qaybta Gudaha iyo Dibada isagoo mar kastaba ahaa Mas’uul markastaba heegan u ahaa Gudashada Waajibaadkiisa Shaqo gaar ahaan dhinaca Wararka oo Xasaasi ah aqoon iyo khibrad dheerna uu u lahaa .

Xilkan Cusub ee Tifaftiraha Guud ee Telefishanka ayaa ka mid ah qaab dhismeedyada ay leeyihiin Telefishanada Caalamiga ahi.

Maxamed Xuseen Cali ayaa Mudo dheer ahaa ku xigeenka Agaasimaha Idaacada Radio Hargaysa,ahna Isu duwaha barnaamijyada waxaanu ka mid yahay Shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee Khibrada Gaamurtay u leh arrimaha Warfaafinta .

Geesta kale Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa u magacaabay Weriye Xamse Cali Bul bul inuu noqdo  Madaxa Wararka ee SLNTV,halka uu ku Xigeenkiisana u magacaabay Weriye Cali Axmed Cawaale Caano dhame,Inkastoo Weriye Axmed Saxardiid Xirsi oo ahaa ku xigeenka madaxa Wararka ayaanu  Maareeyaha Telefishanka Qaranku u magacaabin Wax Xil ah,halka uu Bedelkiisa ka dhigay Cali Axmed Cawaale Caano dhame .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed