Maareeyaha shirkadda wada dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa oo faahfaahin ka bixiyay sida ay hawshu u socoto
Hargeysa 19, July 2012 (SDN)- Mareeyaha shirkadda dhisaysa Madaarka Caalamiga ah ee caasimadda Hargeysa, Mr. Maxamed yuusuf Cilmi, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay u marayso hawsha dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa.
Waxa uu sheegay inay haatan hawshu u socoto si wanaagsan, wuxuuna ka xog-waramay waqtiga ay dhamaystiri doonaan rakibaada qalabka Madaarka lagu dhisayo oo haatan hawshiisa gacanta lagu hayo.
Mr. Maxamed Yuusuf Cilmi waxa uu xusay in haatan ay u soo dhamaadeen qalabka shaqada wixii dibadda kaga xidhnaa, qalabkaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin, wershada Daamurka, Sibidhka iyo shubka, taasoo uu sheegay inay haatan kun howlan yihiin rakibisteeda oo ay ku talo jiraan inay dhammeeyaan todobaadka soo socda rakibaada qalabkaas.
Maareeyaha oo ka hadlayey howsha ay garoonka ka qabanayaan ayaa waxa uu sheegay in ay howsha ay garoonka ka qabanayaan ay tahay laba qaybood, kuwaasoo kala ah; in lagu daro garoonka laba Km iyo badh si ay ugu soo degi karaan diyaaraddaha waaweyni iyo qaybta labaad oo ah in Taar lagu soo xidho garoonka, si uu u xafidnaado, taasoo iyaduna haatan howsheedu ay socoto.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey inay ku rajo weyn yihiin in hawsha dib-u-dhiska Madaarka ay si dhakhso ah u dhamaystiraan.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com