|

Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Ka Warbixiyey Agab Cusub Oo Madbacaddu Lasoo Degtay

Hargeysa:Sep,14,2015(SDN/QJ)-Maareeyaha Madbacadda qaranka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey), ayaa kormeer ballaadhan ku sameeyey hawlaha madbacadda iyo sida ay u shaqayso, waxana uu warbixin kooban ka bixiyey shaqooyin kala duwan oo halkaas ka socda iyo waliba Koontiinarro Xambaarsan Agab Madbacadda muhiim u ahaa oo La rogayey iyadoo ay warbaahintuna goob-joog ahayd.

careyMaareeye Carey waxa uu sidoo kale ka warbixiyey Agab cusub oo Madbacaddu lasoo degtay, kuwaas oo muddada lixda bilood ah ee soo socoto ay Madbacaddu isticmaali doonoto.

Ugu horrayn Maareeye Carey waxa uu mid mid u booqday Mishiinada waaweyn ee Madbacadda u qaabilsan hawlaha daabacadaadda iyo googooynta Waraaqaha kala duwan ee halkaas lagu farsameeyo, waxana uu warbaahinta uga warramay hannaanka shaqadu usocoto,waxana uu tilmaamay in Shaqada Madbacaddu muhiim u tahay soo xeraynta Dakhliga soo gala Laamaha kala duwan ee Dawladda,“halkan aynu joognaa waa Madbacaddii qaranka oo u xilsaaran daabacaadda Dokument-yada Dawladda iyo Xafidaadoodaba iyo wixii kale ee aynu ku dari karto.muddo badan ay soo shaqaynaysay hawlo muhiim ah oo si fiican uga soo baxdayna qaranka way u haysaa. Haddii hawsha ay qaranka u haysaa gaabis noqotona waxa ay ka muuqanaysaa Miisaaniyadda Dawladda. Waana idinkaas arkaya oo Hawlihii madbacaddu si fiican bay u shaqaynaysaa oo wax dhibaato ahi ma jiraan.” Ayuu yidhi Maareeye Carey.

Dhinaca Kalena Maareeye Cabdilaahi Carey waxa uu si faahfaahsan uga Hadlay Koontiinarro xambaarsan Agabka kala duwan ee muhiimka u ah shaqada Madbacadda qaranka, kuwaas oo isla shalayba lagu rogay xarunta Madbacadda, waxana uu yidhi, “maanta waxan lasoo degnay qalabka waraaqaha ee madbacaddu ku shaqayso oo aan Somaliland laga helin, waxana aanu ugu talo galnaa in lixdii biloodba mar sii diyaarsano oo iyadoo kii hore noo keydsan yihiin ayaanu ka dambena sii dalbanaa, Kan aanu maanta keenayna waxa uu na anfacayaa ilaa bisha afraad ee sanadka soo socda waayo bad-dhan baa dhici kara.”

Agabkan muhiimka u ah Daabacaadda kala duwan ee Madbacaddu gacanta ku hayso, ayaa muddo kala go’naa, waxana la filayaa inay Madbacaddu hawsheedii sii wadi doonto, maadaama loo keenay waraaqihii kala duwanaa ee ay baahida u qabtay.

Madbacadda qaranka Somaliland, ayaa Xukuumadda u ah halbawle muhiim ah, waxana ay si joogto ah u daabacdaa Dokument-yada ay ku qabato Hawlaha kala duwan oo ay ugu horreeyaan Lacag qabashada  sida joogtada ah looga fuliyo Gobollada iyo Degmooyinka kala duwan ee Dalka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed