|

Maareeyaha Madbacada Qaranka oo Maanta Hortagay Gudida Daba Galka Hantida Qaranka ee Wakiilada iyo Eedo Musuq Maasuq oo loo haysto

Hargaysa 29.Jan 2014 (SDN)- Mareeyaha Guud ee madbacadda  Qaranka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray)  oo uu weheliyay Ku xigeenkiisa  ayaa maanta  hortagay Guddiga dabo-galka hantida qaranka ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay yeesheen fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo maamulka madbacadda ay wax kaga weydiiyeen waajibaadkooda shaqo.

maareeyaha-madbacada-qarankaKulankaas ka dib ayaa Maareeyaha Madbacadda qaranku uu saxaafadda uga warramay ujeedadii loogu yeedhay iyo hanaanka ay u daboolaan daabacaada dukumantiga dawladda.

Maareeyaha Madbacadda oo ka hadlayay qasdiga kulanka ay la yeesheen Guddi hoosaadka dabo-galka hantida qaranka ee aqalka wakiiladda, waxaanu yidhi  “Gudidu  way  noo yeedhay  kaligayana umay  yeedhin waxay uu yeedheen  dhammaan goobaha dakhli ururinta Somaliland ayay u  yeedheen,  si ay wax uga waydiyaan shaqadooda, waanu u  tagnay guddidaas oo waanu ka ajiibnay yeedhmadoodii. ujeedadu waxay ahayd inay bal  waxa noo qabsoomay  iyo waxa aanu qaban doono  iyo halkaanu wax noo marayaan,  arrimo noocaas ah  ayey naga waraysteen arrimahan dhammaantood sii fiican ayaanu uga jawaabnay iyaguna sidaan filayo aad bay ugu qanceen.”

“Hawlaha madbacadu  qaranka intan dambe  aad iyo aad ayey iskugu duba dhacsan tahay  oo ay u wanaagsan tahay,  laba qodob ayaa gundhig u  ahaa  horta madbacadda qaranku haddii aan dib ugu noqdo hawsha ay  haysaa waa hawl aad u balaadhan Jamhuuriyada Somaaliland intay baaxad leeg tahay  haddii ay tahay dawladaheeda hoose iyo haddii ay dawladda   dhexeba   waxa allaale wixii dukumanti ah ee lagu qabto maaliyada iyo dakhliga  ka soo baxo Jamhuuriyadda Somaliland iyaddaa soo saarta markaa hal buugga maalinta  uu ka habsaamo macnaheedu  wuxuu noqonayaa dakhligeenii inuu habsaamo, arrintaasi si aanay u dhicin waanu ka dedaalaa waayo dakhliga innaga habsaamaa waxa uu ka go’an yahay Miisaaniyadda dawladda,”ayuu yidhi Maareeye Cabdilaahi Maxamed Jaamac.

 

Maareeyuhu waxa uu sheegay in ay sanadkan qorshaha ugu jirto inay kor u sii qaadaan tayada adeegyadda daabacadaada buugaagta dawladda, waxaanu yidhi “Shaqada waxaanu soo galnaa 07:00 subaxnimo,   waxaanu ka baxnaa 02:00 duhurnimo mararka qaarkeed habeenimada haddii ay shaqo culusi noo taalo habeenkii ayaanu soo noqonaa oo shaqaynaa. Sanadkan cusub 2014-ka waxaanu rajaynaynaa intii awoodayada ah inaanu sii horumarino oo kor u qaadno adeegga daabacaada dukumantiga qaranka.”

Cabdilaahi Carey oo la weydiiyay   sida uu u arko in maamulka madbacaddu gacantiisa  ku urursan yahay, taasina ay sababi karto in musuq dhaco, isagoo arrintaasna waxa uu kaga jawaabay  “May Walaahi taas adiga (Weriyaha)  ayaa laguu  sheegay cidii ku sheegtay  ayaad waydiinaysaa inuu ka dhaco in kale anigu ma hayo taasi.”

Maareeyaha oo la weydiiyay in ay jiraan lacago ay ka sag-saagaan Ha’yadaha dawliga ah ee ay wax u daabacaan, waxaanu yidhi  “Aad iyo aad ayey wax iskag badeleen arrintaasi, cida aanu wax uu samayno cid wax nagala  hadhaa ama aan nasiini ma jirto. cid waliba wakhtiga aanu uu qabo ayey ku soo bixiyaan dawlada dhammaanteed iyo cid kasta oo aanu shaqaynaaba.”

 

Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray “arrinta waxba kama jiraan wax  allaale wax ka jiraan ma jiraan,  saaxiib ma jiraan DAWAN way naga madax bannaan tahay,  annaga shaqo naguma laha. madbacadu ma daabacdo. Namana hoos yimaadaan ee maamul gooniya oo wasaaradda warfaafinta ka tirsan ayay leeyihiin wargeyska DAWAN.  Berigii  hore waxa dabaci jirtay madbacadda qaranka taa waxa aad waydiina maamulka iga horeyey  kuma aan soo gaadhin muddo laba sano ah ayaan jooggaa haddii ay hadda yimadaan waa loo dabacayaa wargeysyadooda oo dhan.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed