|

Maareeyaha Mad-bacada Qaranka oo Mushaharkii ka jaray Mid ka mid ah Shaqaalihiisa oo muddo u xidhan Hantidhawraha Guud

maareeyaha11-300x225Hargeysa 23-july-2012(SDN)-Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland Cabdillaahi Jaamac Maxamed (Caray) ayaa la sheegay inuu Mushaharkii ka jaray mid ka mid ah Shaqaalaha Mad-bacadaasi oo saddex bilood ka hor loo xidhay Waraaqo nooca Cashuurta lagu qaado ah oo ka baxay hay’addiisa, kuwaas oo qaab Foojari ah looga Isticmaalay Xafiisyada dawlada ee Dakhliga lagu qaado.

Sidiiq Cali Seed oo muddo siddeed sanadood ah ka hawl-geli jiray Mad-bacadda Qaranka, isla markaana 7 Bishii May ee sanadkan Hantidhowraha guud Xabsiga dhigay, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay Foojarro dawladu leedahay oo sifo khaldan looga Isticmaalay Kastamada dalka, ayaa la sheegay in isla bishii la xidhayba laga gooyay Mushaharkii uu qaadan jiray, iyadoo aan wax dambi ahi ku caddaan.

Ma jiro Qoraal rasmi ah oo aanu ka helnay Hay’adaasi oo cadaynaya in Mushaharka laga jaray Mawaadinkaasi, balse xubno ka mid ah Eheladiisa iyo Saraakiil ka tirsan Dawlada, ayaa  shabakada wararka ee Gobanimonews u xaqiijiyay inaan wax lacag ah la siin mudada uu xidhanyahay, iyadoo geesta kalena ilaa hadda Hanti-dhawrka Guud wax natiijo ah ka soo saarin Kiiska loo haysto, lana horkeenin Hay’adaha Garsoorka.

Sarkaalkan oo ah Nin Xaasle ah, isla markaana Mushaharka uu qaato ku masruufi jiray qoys ka kooban laba Caruur ah iyo Hooyadood oo degen Magaalada Hargeysa, ayaa  Saraakiisha Hanti-dhawrku sheegeen in todobaadkan Maxkamada la soo taagayo, balse aan ilaa hadda la keenin Garsoorka hortiisa.

Waxaana  jira warar sheegaya inaanu wali Hanti-dhawrku dhamaystirin hawl-galka lagu soo qab-qabashada dad kale oo kula jiray falka lagu haysto, sida Saraakiil ka hawl-gasha Kastamada qaarkood, kuwaasoo  xubno ka mid ah dhawaan la soo xidhay, kuwana lagu daba joogo.

Tallaabada Maamulka Madbacada Qaranku kaga jaray Mushaharkii uu qaadan jiray ayaa lagu tilmaamayaa mid khalad ah, isla markaana meel ka dhac ku ah Xuquuqda Shaqaalaha  ku jira Payroll-ka dawlada, iyadoo dadka aqoonta u leh dhinaca sharcigu arintaasi ku tilmaamayaa mid ka baxsan sharciga ka yaala Ilaalinta Xuquuqda shaqaalaha.

In Mushaharka laga jaro qof aan Dambi ku cadaan oo Eedaysane ah, ayaa iyaduna ah arin u muuqata Tacadi ka dhan ah xuquuqda Aadamaha iyo qawaaniinta Caalamiga ah, waxaana loo baahanyhay inay Masuuliyiinta talaabadan qaaday hoos u eegaan Shuruucda arintan ka yaala.
hore ayaa Warbaahintu ugu eedeysay Saraakiisha ugu saraysa Maamulka Madbacadda Qaranka oo ka mid ah Hay’ada dawlada ee madaxbanaan, Maamul xumo iyo dhibaatooyin ay kula kaceen shaqaalaha Hay’adaasi ka hawl-gala, waxaanay arintani noqonaysaa mid cadaynaysa jiritaanka eedeymaha hore.

Maareeyaha madbacadda qaranka oo  aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino, ayaa ay  noo suurtoobi weyday  inaanu helno ka dib markii uu Telefoonkiisa gacanta qaadi waayey.

Somaliland Diasporanews.com.

Hargeysa Office.

Source: Gobanimonews.

Gobanimonews

Comments are closed