Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Somaliland Iyo Saraakiil Ka Socday DAAWO
Hargaysa 10. April 2017 (SDN/QJ):-Maareeyaha Hay’ada Xidhiidhka Raashinka Somaliland Siciid Xasan C/laahi oo ay Weheliyaan Xubno ka Tirsan Hay’ada WFP ayaa Deeq raashin ah Gaadhsiiyeen dadka abaaruhu saameeyeen Deegaamada Koonfur Galbeed ee Gobolka Maroodi Jeex.
Deeqdan Raashinka ah ayaa Laga qaybiyey ilaa Toban Tuulo oo ka Tirsan Koonfur Galbeed ee Gobolka Maroodi Jeex Waxaana Goobihii Mucaawimadan lagu qaybinayay ka hadlay Madax Sare oo ka Tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay ee WFP Sidoo Kale Maareeyaha Hay’ada Xidhiidhka Raashinka Somaliland Siciid Xasan C/laahi ayaa sheegay in dadka ay deeqda raashinka ah gaadhsiiyeen Tiradooda guud ka badan tahay Afartan Kun oo Qoys.