|

Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ka Hadlay Qorshayaasha dayactirka iyo Samaynta Wadooyinka

Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Maareeyaha Hay’adda waddooyinka qaranka Prof xasan Cali Cismaan  ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan qorshayaasha waddooyinka dalku iyo hawlihii ughu dambeeyey ee ka qabsoomay.

Profosoor-ku waxa uu sheegay in hay’adda waddooyinka Qaranku tahay mid u xilsaaran hagaajinta, dayactirka iyo dhismaha waddooyinka waaweyn ee dalka ee isku xidha gobolada iyo degmooyinka, loogana baahan yahay hay’addu inay wax ka qabato waddo la’aanta kala qoqobtay umadda reer somaliland ee dib u dhigtay horumarkii ay tiigsan lahaayeen.

Maareeyuhu waxa uu sheegay in xilligan gacanta lagu hayo dayactirka waddada isku xidha magaalooyinka hargaysa iyo Berbera, taasoo uu ku tilmaamay mid dhaawac badani gaadhay, dhibaato badana ka soo gaadhay bulshada . halka sidoo kalena uu maareeyuhu xusay in wadada kale ee isku xidha kalabaydh iyo wajaale iyadana dhismaheedii gacanta lagu hayo lana dhamaystiray lix Km oo ka mid ah,

Profosor Cali Cismaan maareeyaha hay’adda waddooyinku waxa uu tilmaamay in labadaas waddo ay yihiin halbowlaha isku xidha ganacsiga Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Dhanka kalena maarreeyuhu waxa uu sheegay in gacanta lagu hayo dhismaha Km-kii ugu dambeeyey ee wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Boorame dhowaana la soo gebagebayn doono. Isla markaana ay socoto wadada hawshii dhismaha ee wadada Oodweyne.

Intaas ka bacdi maareeyuhu waxa uu ka hadlay mashruuca wadada ceerigaabo oo uu ku tilmaamay mashruuc heer qaran oo balaadhan oo lagu doonayo in lagu dhiso waddo 300 Km ah, waxana uu sheegay in qalabkii wadadaasi laga soo iibiyey dalka China, xiligana uu Badda ku soo jiro oo dhowaan dalka imanayo, waxana uu u mahadceliyey dadweynaha Gobolka sanaag oo is dhinac taagay qorshayaasha dhismaha wadada Ceerigaabo. isagoo  ku booriyey guud ahaan shacabka somaliland inay u diyaargaroobaan horumarinta dalkooda, guud ahaan, gaar ahaana ay ka qayb qaataan barnaamijyada hirgelinta waddooyinka dalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed