Maareeyaha Cusub ee Dekeda Berbera oo ka Hadlay Mustaqbalka Shaqaalaha Muruq Maalka ee Dekeda Berbera DAAWO
Berbera 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa Casuumad Sharaf u sameeyay Maareeyaha Cusub ee Dekeda Berbera Eng Axmed Yuusuf Dirir oo Todobaadkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Magacaabay.
Maareeyaha Cusub ayaa Khudbad uu halkaasi ka Jeediyay Waxa uu ku soo qaaday Mustaqbalka Shaqaalaha Muruq Maalka ee dekeda Berbera oo Xiligan Walaahoow badani la soo Dersay.
Dhinaca Kale Waxaa Magaalada Berbera lagu soo dhaweeyay Maareeye ku Xigeenka Cusub ee Dekeda Berbera Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan