“Maanta Waxaan Idiin Cadaynayaa In Xisbiga Ucid uu Noqday Xisbi Shakhsi Leeyahay oo aan Faa’iido Ummada u Lahayn,Jamaalna Waxaan Leeyahay Tasho” Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir DAAWO
Hargaysa 26.Dec 2015 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo ka mid ahaa Madax dhaqameed Mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa Soo Afjarida Khilaafka Ka Dhex Taagnaa Xisbiga Ucid ee u Dhexeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Maanta daboolka ka qaaday in Xisbiga Ucid uu Noqday Xisbi qof leeyahay Kaas oo aan anfacayn Sida uu Sheegay Ummada Somaliland.
‘’Xisbiga UCID wuxuu noqday xisbi shakhsi leeyahay, aniguna waxaan dan mooday oo runtii xaqiiq ah oo aan arkay inuu xisbigaasi ummadda waxba aanu u ahayn, waxba u tarayn, waxba u qabanayn!. ‘’ Ayuu yidhi Suldaan Maxamed