“Maanta Waan Saamaxay Rayaale Markii Uu Qiray, In Cali Warancade Burburiyay UDUB” Cali-guray
Hargaysa 11.June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo maanta dalka ku soo laabtay ku bogaadiyay inuu qiray in Wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde uu sabab u ahaa burburkii saaxada siyaaada ka saaray xisbigii UDUB.
Muj. Cali-guray oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay boga ay bulshadu ku wada xidhiidho ee FACEBOOK, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Madaxwaynihii hore caloosha wax baan ugu hayay, laakiin qiraalku waa sed. Burburkii UDUB wilgaa waad ka saamixi ismaan lahyn, waayo waxa ogaa UDUB in la baadbaadin karayay hadii ay isaga ka go’naan lahayd in uu badbaadiyo ama ogolaan lahaa in aanu badbaadino. UDUB wuxuu ku burburay markuu labadaa midna ogolaan waayay. Lakiin maanta Waan u sed buriyay waanan saamaxay markii uu qiray Damicii Cali Warancade ee burburiyay UDUB ee weliba nacas nimadiisa uu ku faano markii UDUB burburay isna wasiir ka helay Axmed Silaanyo
Madaxwaynihii hore caloosha wax baan ugu hayay qiraalku laakiin waa sed. Burburkii udub welgaa waad ka saamixi ismaan lahyn waayo waxa ogaa udub in la baadbaadin karayay hadii ay isaga ka go ‘ Naan Lahayd in uu badbaadiyo ama ogolaan lahaa in aanu badbaadino. Udub Wuxu Ku Burburay Markuu Labadaa Midna Ogolaan Waayay. Lakiin maanta waan u sed buriyay waanan saamaxay markii uu qiray damicii cali warancade see burburiyay udub see weliba nacas nimadiisa uu ku faano markii udub burburay isna wasiir ka helay axmed Siilaanyo.”