‘’Maanta mar haddaan ka tagayo waxba Cabasho muujin maayo, Dumarkaa cawda, Anigu nin rag ah ayaan ahay oo caban maayo..’’ Wasiirkii Ciyaaraha
Hargeysa,28Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ayaa sheegay in iscasilaadiisu la xidhiidhin khilaafka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiintii dhawaantan iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirku waxa uu sheegay in isagu horayba u damacsanaa in uu isku casilo, ka dib markii ay socon weyday shaqadii uu hayay sababo aanu sheegin awgeed.
Wasiir Axmed Cabdi Kaahin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya ‘’Arintaas, raggaa anigu xidhiidh lama lihi, oo anigu xidhiidh lama lihi, oo anigu meel baan ku base-garaysnaa oo waa la wada ogyahay, hase ahaatee intii aanay iyagu ku dhawaaqin ayaan khatar ku jiray inaan iscasilo, markay shaqadaydii socon weyday khatar baan ku jiray inaan iscasilo, haddana waan ka fiirsanayay bacdamaa ayaantii dhawyd arrini dhacday dib baan u dhigtay hase ahaatee wey kalliftay saacaddan inaan xilkii wasiirnimo iska casilo..’’
Geesta kale, wasiirka ayaa sheegay in ay u taallo xubin baarlamaan oo uu rabo in uu ku biiro golaha baarlamaanka isla mar ahaantaana uu go’aansaday in uu iska casilo xilka wasiirnimo, markale wasiir Kaahin isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’saacaddana ayay igu dhalatay inaan is casilo, waxa xubin baarlamaan ayaa ii taalla, xukuumadda uu madaxweyne siilaanyo ii magacaabay aad buu ugu mahadsanyahay, laba sanno ayaana lasoo shaqeeyay, si sharaf leh ayaan ula soo shaqeeyay aad buu ugu mahadsanyahay, xubintaa baarlamaanka ayaan ku wareegayaa anigoo ceebna sheegayn xumaana sheegayn, markaa waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee wasaaradda dhalinyrada iyo ciyaaraha, saacaddaa la joogo waxaan ka ahay dibadda ..’’
Ugu danbeyntii, wasiirka mar warbaahintu ay wax ka weydiisay in uu isku casilay warar sheegaya wasaaradda maaliyadda oo dhaqaalihii ciyaaraha sii dayn weyday, ayuu waxa uu wasiirku sheegay ‘’Maanta mar haddaan ka tagayo waxba cabasho muujin mayo, dumarkaa cawda, anigu nin rag ah ayaan ahay oo caban mayo, wax kasta oo isoo gaadha ka caban mayo maanta waxba..’’
Si kastaba ha ahaatee tirada masuuliyiinta iska casishay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo saddexdii maalmood ee ugu danbeysay ayaa waxay gaadhaysaa 15 masuul.