|

“Maanta kii wax badan filayey iyo kii wax yar filayeyba waa Inaad isku hanaysaan derajooyinkaas” M.Weyne ku Xigeenka S.land {DHAGAYSO}

Hargaysa 08.Aug (SDN)Madaxweyne ku xigeenka Somalilland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa boqolaal qof oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan caasimada hargaysa kula Tukaday Masjid Jaamaca weyn ee magaalada hargaysa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay inuu ummadda reer Somaliland meel ay joogaanba ku bogaadiyay munaasibadda ciidul fidriga, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha inay ka shaqeeyaan oo xoojiyaan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ciidammadda kala duwan ugu baaqay inay isku haneeyaan hanaanka loo bixiyay darajooyinka ciidamadda, Maadama ay tahay ayuu Yidhi Qurux ku soo biirtay Ciidamada.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SayliciIid8(1).mp3″]
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysto Khudbada Madaxweyne ku xigeenka

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed