Maanta iyo Maxkamadaynta Madaxweynihii hore ee Masar: “Waxaan ahay Dr Mohammed Morsi, anigaa ah Madaxweynaha dhabta ah ee Jamhuuriyadda Masar”
Qaahira Nov.4 2013 (SDN/BBCNews)- Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Mr Mohammed Morsi ayaa markii u horaysay Isniinta maanta la horgeeyay maxkamad ku taala magaalada caasimadda ah ee Qaahira.
Siday ku warantay idaacadda BBC-da qaybteeda afka Ingiriisida ee dunida la hadasha, hoggaamiyihii hore ee Masar Mr. Morsi markii maxkamadda la geeyay, waxa uu Xaakimka u sheegay in kiiska ka dhanka ahi yahay mid sharci-darro ah, maadaama uu weli yahay Madaxweynaha dalkaas.
Mr. Morsi iyo 14 kale oo ka mid ah madaxda xisbiga Ikhwaanu Muslimiinka, ayaa waajahaya dacwado la xidhiidha inay kiciyeen dilka mudaharaadayaal Masaari ah sannadkii la soo dhaafay ee 2012, kaasoo ka dhacay meel dibadda ka ah dhismaha Madaxtooyada, siday sheegtay BBC News. Morsi waxa ay Milateriga dalkiisu xilka ka qaadeen horaantii July 2013.
Hase yeeshee, markii uu Isniinta maanta Maxkamadda hortegay, wuxuu diiday inuu xidho dhawrka maxaabiista lagu yaqaano.
Markii uu diiday inuu xidho dharka maxaabiista loo xidho, garsooruhu wuxuu dhegaysiga maxkamaddayntiisa dib ugu riixay 8-da bisha January ee sannadka 2014. Intaa ka dib, waxa loo qaaday xabsiga Burj Al-Carab ee magaalada Alexandria, sida uu Telefishanka dalkaasi baahiyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Mr Morsi markii uu maxkamadda galay uu diiday inuu iska bixiyo suudh bulluug ah oo uu xidhnaa, isla markaana xidho dhawrka caddaanka ah ee dirayska xabsiga.
Waxa jiray warar hore oo inshaarayay in loo dhaadhicinayo xabsiga Tora oo dibadda ka ah magaalada caasimadda ah ee Qaahira. Tan iyo markii Milaterigu xidheen horaantii July, waxa lagu hayay xabsi qarsoodi ah oo Milateri oo aan la ogayn.
Maxkamaddaynta Morsi waxay dhalisay dibad-baxyo ka dhacay dibadda Maxkamadda la saarayay iyo meelo kale oo gudaha Qaahiro ka mid ah.
Eedaysaneyaasha kale ee qolka Maxkamadda lagu hayay, waxay ku qaylinayeen ‘sharci-darro, sharci-darro.’
Laakiin, markii la waydiiyay inuu magaciisa sheego, Madaxweynihii hore wuxuu bixiyay jawaab diidmo ah, siday suxufiyiinta gudaha maxkamadda joogay sheegeen.
“Waxaan ahay Dr Mohammed Morsi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Anigu waxaan ahay Madaxweynaha sharciga ah ee Masar,” ayuu yidhi Morsi. Wuxuuna intaa ku daray, oo uu ku canaantay xaakimka kiiska hayay, “Xaq uma lihid inaad fuliso dhegaysiga dacwayn heer Madaxweynenimo.”
Tan iyo markii xilka Madaxweynenimo ee Masar laga tuuray, waa markii u horaysay ee si caam ah loo arko Mr. Morsi.
Qurbejoog.com, Qaahira