“Maanta Haddii Sadexdaa Arrimood Loo Eego Oo Lagu Miisaamo In Badan Oo Xillal Haysaa Umadda Xil Umay Hayeen”
Hargaysa 05. March 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Axmed Dayib Ku Caddeeye, oo hogaamiye ka ah Masjid ku yaalla xaafadda Ibraahim Kood Buur ayaa khudbadiisii jimacaha ee doraad ku soo qaatay, isla markaanna sharaxaad kaga bixiyay asbaabaha caqiido ahaan qofka masuulka ah ee xil umaddeed qabtaa uu ku lumin karro masuuliyadda, isla markaanna xilligii xukaamtii islaamka ee axsaabtii rasuulku hormoodka ka ahaayeenna uu masuulku ku lumin jiray xilka.
Sheekh Axmed wuxuu ku sheegay khudbadiisa in caqiido ahaan masuulka xil loo dhiibayo ay cadahay sababta loogu dhiibayaa, isla markaanna ay waafaqsan tahay waxa laga rabo inuu qabto. Sheekha oo arrimahaa ka hadlaya waxa weedhihiisii ka mid ahaa oo uu yidhi;
“Sababta uu ku doortay iyo waxa looga baahan yahay ayuu u sharixi jiray, markaasaa Cumar Binu Khadaab wuxuu odhan jiray afar mid uun baad noqon. Afartaa ta koowaad waxa weeye, mid xilkaasi ka soo bixi kari waaya oo shuruudihii dhamaysan kari waaya, oo haddaad amaano yeelato laakiin aad daciif noqoto oo kartidii xil gudashada lagaa waayo, markaa waa ku bedelaynaa, waxaanu kuu bedelaynaynaana sababta aanu ku bedelaynaa waxa weeye karti darro. Ta labaad waxa weeye, haddii amaanaddii lagaa waayo oo amaanaddii lunto oo aad khaayin noqoto, markaanna waa ku bedelaynaa ciqaabna waa lagu saarayaa oo xil gudashaddaada looma baahna, dhabarkaagana waanu xanuunjin si aanu u hagaajino edebtaada. Haddaad isku darsato tamar darro iyo khiyaano, oo xilgudasho la’aanna aad la timaado, amaano darrona aad la timaado, waxaanu isugu kaa daraynaa markaa labada ciqaabood oo ah, in aanu xilkana kaa casilo, khiyaanaddaadana kugu ciqaabno. Haddaanu ku aragno oo aanu kaala kulano inaad labadan isku darsato, oo aad aamin tahay oo xilkii lagugu aaminay aad gudanayso, qawinna aad tahoo xilkaaga aad ka soo baxayso, waanu kuu siyaadin xilka.” Sheekhu wuxuu intaa ku daray in qaabka afraad yahay in masuulka xilka looga qaadi karro asbaab la xidhiidha maslaxadda caamka ah darteed, balse aan looga qaadi karin maslaxad shakhsi ah. Wuxuu tusaale u soo qaatay hogaamiyihii dawladdii Islaamka ee Cumar Binu Khadaab oo maslaxadda guud darteed xillal uga qaaday asxaabtii taladda uga hoosaysay ee uu xilalka u dhiibay.
Wuxuu intaa ku daray in Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu sheegay in qofka xil haya ee irbad iyo ka wayn dadka uu masuuliyadda u hayo ka qariyaa uu mutaysan doono ciqaab adag maalinta qiyaame. “Sadexdaa arrimood uun baa xil ka qaadis lagu samayn karraa, waxaan ku soo ururinayaa maanta haddii sadexdaa arrimood la eego oo lagu miisaamaayo in badan oo xillal haysaa in aanay umaddan xil u hayseen.”