|

Maanta dhalinta qalin jebintoodaad ka qaybgashay marena uma haysid,berina waa gadoodkay xilka kaaga xayuubin lahaayeen

“Dushayda waxaa ah inaan dadaalo,ee dushayda maaha inaan guulaysto”waa odhaah carbeed oo qofka hiigsiga iyo hiididiilada leh uu niyada ku haayo si uu ugaadho hadafkiisa si bilaa turxaana.waxaan uga socdaa dhamaan dhalinyarada wadanku way sameeyeen samirkii kaga aadana dhankooda inay wadan kooda hooyo wax u bartaan una shaqeeyaan hadh iyo habeenba odhaah somalileed baa ah “habeena way ka tagtay dharaarna maaha”waxaan ugasocdaa in dhalintu dhamaystireen dhamaan waajibaadkii wadanku kulahaa,iyagoo aqoon yeeshay dhinac kasta lagana heli karo dhalinta somaliland qaar haysta ilaa shahaadada second degree.taasi iyadoo jirta duruufuhuna ku gadaamanyihiin xaalada dhaqaale ee wadankuna kooto ugu xidhanyahay dad gaara muddo dhan 20 sano dhalintuna islahayd maruun baydin helidoontaan nasiibkiina ayaa waxay arkayaan in aanay waxba ka suuragalayn dadaalkooda ay samaynayaan iyo inay wadanka dhinacooda horumariyaan,taas macnaheeduna waa iyagoo kasoo qalin jabinaya sanad walba jamacadaha wax qorsha ah aan loohayn waliba iska daayoo qabyaaladna looraacinaayo oo dhalintii lakale qoqobaayo.

Gunta iyo gebagebada waxaan shakiba ku jirin in wadankan kacdoon dhalin yaro kadhici doono sanadaha soo socda marka tixgelin iyo maamuus,     lasiin waayo dhalinta aqoonyahanka ah waxaa imaanaysa inay is bahaystaan kana horyimaadaan kacdoon buuxana ku sameeyaan wadan si ay xaqooda u soo ritaan,meesha uga saaran nimanka siyaasiyiinta inkaaran ee ilaa ku dhowaad 40 soo hortaagan.

Sadaal aan sameeyey waxaan ku xaqiijinayaa in wadanki sidan isugu siirarnaan doonin ee lookale bixi doono aqoonyahano hiigsi leh iyo siyaasi bilaa hididiilo ah umadda majaraheedana khaldaaya kuna sababaaya ina ay ka dhex abuuran qabyaalad iyo iskooxaysi reer iyo isnacayb dadka ku yimaada ayna sababayaan siyaasiyiin bilaa hadafii.

Akhriste makula tahay in  dhalinyaradu sidan  dibad joog uga ahaanayso xukunka iyo horumarinta wadanka marna loo adeegsanayo in ay codkooda ugu deeqaan siyaasi beenaale ah.

Sadamkabash99@gmail.com

Comments are closed