Maanso: ‘’Dhabanna hays’’
Maansadani (Dhabanna Hays) waxay ku saabsantahay TAHRIIBTA, waxaana ay igu dhalatay kaddib markii maanta lasoo sheegay warkii dhiillada ahaa ee Doonidii ay la socdeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee gaadhaysay 500 oo ruux kuwaasi oo ku qar-qoomay biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Masar.
Warkan maanta soo dhacay
Ma dhabbaa abwaanoow
Umad baa dhamaatoo
Dhiillaa baxaysoo
Dhuuxbaa dareeree
Horta mayla dhugateen
Hooyaa dhafoorkiyo
Dhabanada is haysoo
Dhalan-dhoolka qaylada
Had-ba dhinac u carartoo.
Dhalaankeedi waydoo
Dhuuryada laylaysiyo
Haad uu ku dhacayaa
Hadii dhiig la daadshiyo
Dhafoor layska toogtiyo
Dhiifta xamarta weyn taal
Dhibtu adiga kula tahay
Ogoow tani ma dhaantee
Dhalinyariyo waayeel
Badaha dhameeyoo
Maydkaa dharaarahan
Tarab tarab u dhiganoo
Masar dhinacyadeeday
Raqdu dhoobantahayoo
Bahaluhu dhargeenoo
Boorama dhankeediyo
Dhuuxii Hargeysiyo
Burco dhoomeheediyo
Sool dhinacyadeediyo
Sanaagbay dhalaankiyo
Dumarkii sidii dhibic
Ilmo dhaygageenoo
Qooyeen dharkiiyoo
Dhagta loogu ridaayaa.
Dhulkanay nimcadu taal.
Cabdoow waase dhalanteed
Dhaanbaa inoo maqan.
Dhaqaalaha la cunayaa
Ragbuu dhabana hays iyo
Dhaka faar ku ridayoo
Waa kuwaa dhaqaaqee
Ku dhamaaday doontee
Dhidarkiyo waraabiyo
Dheefsaday libaaxii
Dhiiga miiran jirayoo
Yaxaas dhuunta mariyee
Dhulkan yaa u maqanee
Horta laga dhur sugayaa
Inu baajo dhiillada?!!!.
W/C: Cabdinuur Carab
Hargeysa, Somaliland
Facebook: Abdinuur Carab
Taariikhda: 17/04/2016
good