|

Maanso Cusub oo uu Saaray Abwaan Axmed Cabdilaahi Axda (QARANAKA MA DIFAACANAA)

halwedoow deelayda gabay
beyahan wayska daa,yayoo
dareenkeedii waan jaroo
dedaalkeedii waa dhimoo
dushuun baan kala socdee

markii ruux kastaa daf yidhi
ayaan taydii dabree
waxaase caawa igu dirqiyey
dibnaha aan uba furfuray
maansda daaha uga rogee
dareenkaygii bedelay
duruufta igu xeeran iyo
haka layla doonayiyo
Dabinka lay aasayiyo
dagaalada igu socdiyo
dadkaygu sidaanu garan
ayaa iga degi la,oo
dabeed waan yaabanee
maxaynu hora doonaynaa?
distoorka maxa ku qoran?
dalkaygu muxuu rabaa?
dadkaygu muxuu geyaa?
maxaan u dagaalanee?
duunyadiyo maalkaw huree?
daraato ragii ku go,ay?
muxuu kaaruhu u dilay?
dadkaba kuwaan ugu jclaa

ma inaynu ids diiranoo
maalinba kii la doorta iyo
ninkaad duubkaw xidhaan
dalkiina ku aamintaan
isagoon doontiiba korin
isgoon daakhilkiiba gelin
isagoo diiradii hayoo
halkuu doonayey la helay

ma inaad duufano iyo
dabaylo layaableh iyo
mawjado dalanbaabiyiyo
daad xoor aan laga gubayn
badaha loogu daadiyoo
dabeed laysla wada degaa

umad ahay dimiqraadigii
xoriyadii aad doonateen
dadohow waa lagu gefoo
durtaba waa dhaawacoo
cidlay keli duubantoo
dabiibay u baahantee
intaanay daaqda ka bixin
duruus ma ku qaadanaa
dabeeto ma baananaa
ninkii dilayee khariba
ninkaan danta guuna rabin

dastuurka ninkii wanjala
ninkaan dacadeen ahayn
qabiilkii kii doonayee
dagaalo sokeeye wada
danayste ninkii ahee
adiga kuu dooda hayn
nacabka kii daba socdee
somaliland aan doonahayn
nimcadu kay uga dartee
xumuhu u deeqo keli

ninkii daan daansi iyo
dalkoo laga buuqo iyo
dariiqyo layska caayo raba
ninkaan danaheena wadin
dadyoow ma isagu tagnaa
dabeeto ma jeedalaa
dariiq mayskaga xidhnaa
bulshada ma uga dignaa
qaranka ma difaacanaa

Abwaan Axmed Cabdilaahi Axda

Comments are closed